Sidee ayuu Neymar kaga qayb qaadan karaa in Adrien Rabiot uu ku biiro kooxda Barcelona?

0
Friday July 27, 2018 - 20:56:47 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee ayuu Neymar kaga qayb qaadan karaa in Adrien Rabiot uu ku biiro kooxda Barcelona?

    Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa xagaagan suuqa kala iibsiga si aad ah uga kalluumanaysa iyadoo sameysay saddex saxiix, se weli waxa ay dooneysaa inay adkeyso safkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa xagaagan suuqa kala iibsiga si aad ah uga kalluumanaysa iyadoo sameysay saddex saxiix, se weli waxa ay dooneysaa inay adkeyso safkeeda.

Blaugrana ayaa xiiseynaysa saxiixa laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot kaasoo diyaar u ah inuu u dhaqaaqo dhanka Spain isagoo horraan heshiiska shaqsiga ah la gaaray Barca.

Neymar Jr ayaa xagaagii hore kasoo hayaamay Camp Nou isagoo lacago rikoor ah ku tagay kooxda reer France, taaso xiriir wanaagsan dhex dhigtay labada naadi.

Si kastaba ha ahaatee, ESPN ayaa laga soo xigtay in heshiiska ciyaaryahankan aysan Barcelona haleeli doonin xagaagan ee ay xagaaga dambe heli doonaan.

Balse naadiga uu hor joogaha u yahay Ernesto Valverde ayaa heleysa fursad ah inay qiimo jaban ku helayaan, marka la gaaro xagaagan.

Labada naadi ayaa xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyaa waxaana si aad ah uga qayb qaatay xiriirkaas iibkii Neymar iyo markii uu Barcelona uu agaasimaha ciyaaraha ka noqday Eric Abidal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip