"QOFKA AAD KABAHA KA TOLANEEYSID KABIHIISAA LA EEGAA"

0
Thursday July 26, 2018 - 11:06:55 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "QOFKA AAD KABAHA KA TOLANEEYSID KABIHIISAA LA EEGAA"

    Arimaha aan ka hadlaayo waa xaqiiq leh tixraac: Kobaca dhaqaale ee dowladda Turkiga waxay ka dheereeysay sanadkii la soo dhaafay China iyo India. (Turkey's economy expanded faster than China and India last year thanks to a surge in spending both

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arimaha aan ka hadlaayo waa xaqiiq leh tixraac: Kobaca dhaqaale ee dowladda Turkiga waxay ka dheereeysay sanadkii la soo dhaafay China iyo India. (Turkey's economy expanded faster than China and India last year thanks to a surge in spending both by households and the government) Bloomberg.

Aalada lagu cabiro dhaqaalaha ee la yiraahdo Gross domestic product waxay kor u kacday 7.4 percent in 2017, afartii quater daqliga wuxuu kor u maray 7.3 percent,.

Waxaa la saadaalinayaa ka dib sanadka 2020 inuu Turkiga ka mid noqdo 10 dowladood ee aduunka ugu dhaqaalaha badan.

Awooda Militari:

Dowlada Turkiga waa dowlad xoog badan marka ay timaado dhanka ciidanka, ciidankeeda waxaa lagu sheegay inay yihiin dowlada 8aad ee ciidamadeeda ugu awooda fiican aduunka. Turkiga waxay xubin ka tahay NATO waana dowlada labaad ee ugu ciidanka badan NATO, ciidankeeda waa 743,415. 382,850 waa kuwa diyaar ah iyo 360,565 ciidanka kaydka (areserve forces) Lagacta ku baxda ciidanka difaaca dalkooda waa Turkey’s defense budget $8.208.000.000 billions

Dowladda Emaratiga shacabkeeda waa inka yar hal milyan oo qof, halka ciidanka dowladda turkiga ay yihiin in ka badan 20 milyan, waxay kaloo dowlada Turkiga leedahay warshado Yurub oo dhan waxkasta u sameeya.

Dowladda Emaratiga waxay is tustay inay Soomaaliya kula tartanto kana saarto Turkiga, waxaan ognahay in maanta dhaqaalahii Emaratiga oo hoos u dhacay dalkiisuna uu ku dhaw yahay EBER, waxaa maalinkasta parking Airport Emaratiga laga qaadaa 150 gaari oo meesha ugu tagaayo ayagoo baxsanaayaan sida ay qoreen wargeeysyada caalamiga ee ka faalooda dhaqaalaha.

Hadaba waa inay Soomaalida fahantaa in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid labada shacaba dan u ah oo xoojin kara inay Soomaaliya ay noqoto Dubai Africa.

Waxay runtu tahay in Geeska Africa hadeey Soomaaliya iyo Turkiga ay sameeystaan xiriir dhankasta ah inaysan jirin dowlado ka hor istaagi karo hurumarkaas dhaqaale, lakiin waa goormee? Waa Marka ay Soomaalida yeelato aragti dheer oo ay dhinac iska dhigaan waxa yaryarka ah ee dhaxyaalo una soo jeestaan dib u dhiska dalkooda

Wa bilaahi Tawfiiq.

Sheikhnor Abucar Qassim





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip