Natiijo yaab leh oo la helay kadib baaritaan lagu sameeyay Jirka Cristiano Ronaldo

0
Wednesday July 25, 2018 - 00:04:41 in Wararka by
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijo yaab leh oo la helay kadib baaritaan lagu sameeyay Jirka Cristiano Ronaldo

    Naadiga Juventus ayaa ku iibsatay 33 jirka Cristiano Ronaldo horaantii xagaagan lacag waali ah, laakiin sida laga soo xigtay natiijooyinka caafimaadkiisa, wax walwal ah lagama qabo awooda jirkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Juventus ayaa ku iibsatay 33 jirka Cristiano Ronaldo horaantii xagaagan lacag waali ah, laakiin sida laga soo xigtay natiijooyinka caafimaadkiisa, wax walwal ah lagama qabo awooda jirkiisa.

Inkastoo qaar ka mid ah wararka ay sheegayeen in xiddiga reer Portugal hoos u dhacay jirkiisa hadana fakirkaas ka duwan ayaa soo baxay.

Sida laga soo xigtay wargeyska ingiriiska ee The Mirror, natiijooyinka ka soo baxay baaritaanada caafimaad ee la marsiiyay Ronaldo waqtigiisii ugu horeeyay kooxda Old Lady’ ayaa muujiyay in jirkiisa uu sameyn karo wax u dhigma isla lacagta ciyaaryahan ahaan lagu iibsaday.

Ronaldo wuxuu ku faanayaa haatan in boqolkiiba 7% kamid ah jirkiisu uu yahay kaliya Dufan, taasoo ah 3% wax ka hooseeya celcelis ahaan ciyaartooyda kale ee kubadda cagta.

Ronaldo ayaa sidoo kale heysta 50% awooda muruqaha jirka, waana 4% wax ka sarreeyaa celceliska ciyartooyda kale, halka xawaaraha ugu sarreeya oo ah 33.98km saacadiiba uu orday Koobkii Adduunka waana in ka dhaqsiyo badnaa ciyaaryahan kasta.

Ronaldo ayaa hore u sheegay in uu yahay mid dareemaya sida inuu yahay kaliya 23 jir, taasoo la micno ah inuu u ciyaari karo heerkiisa sare ee kubadda cagta afar sano kale.

Laakiin sida laga soo xigtay AS, caafimaadka xiddiga uu ku maray magaaalada Turin wuxuu muujiyay inuu seddex sano oo kale sii wadi karo xirfadiisa sare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip