Bale oo loo ballan qaaday doorkiisa Real Madrid

0
Tuesday July 24, 2018 - 20:12:02 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bale oo loo ballan qaaday doorkiisa Real Madrid

    Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mail, tababaraha Real Madrid Julen Lopetegui ayaa u xaqiijiyay weeraryahanka reer Welsh Gareth Bale inuu weli qeyb ka yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Mail, tababaraha Real Madrid Julen Lopetegui ayaa u xaqiijiyay weeraryahanka reer Welsh Gareth Bale inuu weli qeyb ka yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaaryahankii hore ee Tottenham ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo xagaagan kooxdiisa ka dib markii uu kursiga keydka kusoo bilowday inta badan xili ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, ku biirista Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa haatan keentay in Bale fursad fiican uu ka helo garoonka Bernabeu.



Manchester United ayaa ah kooxda ugu xoogan ee lala xiriirinayo Bale, iyagoo diyaar u ah inay 28 jirkaan isbuucii siiyaan £ 350,000.

Ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah finalkii Champions League kooxdiisa garaacday Liverpool, Bale wuxuu qiray inuu ka tagayo caasimada Spain.

"Waan ka xumahay inaanan kusoo bilaaban ciyaaro muhiim ah,” ayuu yiri waqtigaas.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah, wadahadaladii u dhexeeyay Bale iyo Lopetegui ayaa la isku fahmay in xiddiga uu lasii joogo kooxda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip