Napoli oo Sharci La Tiigsaneysa Maamulka Chelsea!

0
Sunday July 22, 2018 - 21:28:50 in Wararka by
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Napoli oo Sharci La Tiigsaneysa Maamulka Chelsea!

    Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ku eedeeyay macalinkii hore ee kooxda Maurizio Sarri inuu isku dayayo inuu kooxda ka qaato ciyaartooy badan oo muhiim ah. De Laurentiis ayaa ku bedelay Sarri tababare Carlo Ancelotti dhamaadkii xilli ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ku eedeeyay macalinkii hore ee kooxda Maurizio Sarri inuu isku dayayo inuu kooxda ka qaato ciyaartooy badan oo muhiim ah. De Laurentiis ayaa ku bedelay Sarri tababare Carlo Ancelotti dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, kadib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda.
Tababaraha ayaa magdhaw ku leh Napoli madaama la eryay isagoo heshiiskiisa sannado kaga harsan yahay.

Sarri ayaa u saxiixay Chelsea oo ceyrisay tababare Antonio Conte oo kooxda kula dhameystay kaalinta shanaad ee kala sareynta Premier League.

Sarri ayaa door muhiim ah ka ciyaaray saxiixa xiddiga qadka dhexe Jorginho, kaasoo markii hore la filayay inuu ku biiro Manchester City.

Laakiin Jorginho ma ahan ciyaaryahanka kaliya ee Sarri isku dayay inuu keeno Stamford Bridge, sida uu sheegay madaxweynaha Napoli.

"Ma jeclaan laheyn inuu qalqaalo noocaan ah sameeyo,” De Laurentiis ayaa u sheegay Sky Sport Italia.

"Waxa uu doonayaa inuu kooxdeyda oo dhan u qaato England oo uu burburiyo kooxdeena, waa inaan sharciga la tiigsanaa isaga iyo Marina Granovskaia oo ah agaasimaha Chelsea” ayuu yiri madaxweynaha Napoli.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip