Man Utd oo Qaadeysa Tallaabo uusan Raali Ka Aheyn Jose Mourinho

0
Sunday July 22, 2018 - 20:38:08 in Wararka by
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man Utd oo Qaadeysa Tallaabo uusan Raali Ka Aheyn Jose Mourinho

    Manchester United waxay qarka u saaran tahay in ay qandaraaska Anthony Martial uu ku la joogo kooxda la gaarsiiyo ilaa sannadka 2020ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United waxay qarka u saaran tahay in ay qandaraaska Anthony Martial uu ku la joogo kooxda la gaarsiiyo ilaa sannadka 2020ka.

Martial ayaa isha ku haya inuu ka tago United xagaagaan ka dib markii wakiilkiisa uu shaaca ka qaaday in xiriir wanaagsan aysan la laheyn tababare Jose Mourinho.

Weeraryahanka ayaa ku dhibtoonayay waqtigiisa United kadib markii Alexis Sanchez usoo dhaqaaqay Old Trafford bishii Janaayo.

Iyadoo Juventus iyo Tottenham ay xiiseynayaan saxiixa 22 sanno jirkaan oo Monaco kaga yimid £ 36million sannadkii 2015, haddana maamulka United ayaa go’aansan kara inay heshiiska u kordhiyaan ciyaaryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiye ku xigeenka fulinta Manchester United Ed Woodward ayaa diyaar u ah inuu ku dhawaaqo qandaraas kordhinta xiddigaan, iyadoo aysan weli go’aansan kooxda inay iska iibiso xagaagan.



"Ma ahan inaan ka fakirno xaalada ciyaartooyda kooxaha kale ay heystaan, sababtoo ah waxaan heysanaa ugu yaraan kuwa ugu fiican dunida.

"Waxaan kalsooni ku qabaa kooxda oo dhan sababtoo ah waxaan heysanaa ciyaartoy fantastik ah, Anthony ayaana kamid ah "ayuu hadalkiisa ku daray Ed Woodward.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip