Real Madrid oo kusoo Laabatay Xiisaha Mauro Icardi

0
Saturday July 21, 2018 - 20:51:55 in Wararka by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo kusoo Laabatay Xiisaha Mauro Icardi

    Neymar ayaa cadeeyay inuu mustaqbalkiisa yaalo kooxda Paris haatan, inkastoo uu hogaaminayo liiska ciyaartooy ay dooneyso Real Madrid. Laakiin Sida ay sheegeyso 'Marca Mauro Icardi waa ninka ay u arkaan maamulka Madrid inuu u bedeli karo Cris

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neymar ayaa cadeeyay inuu mustaqbalkiisa yaalo kooxda Paris haatan, inkastoo uu hogaaminayo liiska ciyaartooy ay dooneyso Real Madrid. Laakiin Sida ay sheegeyso 'Marca Mauro Icardi waa ninka ay u arkaan maamulka Madrid inuu u bedeli karo Cristiano Ronaldo. Xaqiiqdii ciyaaryahanka ayaa ah mid ka mid ah kuwa u fiican ee lala xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Los Blancos ay sii wadi karto ceyrsiga ay ugu jirto ciyaaryahanka reer Argentina ka dib markii Neymar uu shaaca ka qaaday inuu doonayo sii joogista caasimada Faransiiska.

‘Marca’ ayaa sheegeysa in wadahadalo ay dhaxmareen Real Madrid iyo Inter intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, waxaana laga yaabaa inay si dhaqso ah dib soo celiyaan labada koox wadahadalkooda.

Inter ayaa 100 milyan euro dalbatay, iyadoo Real Madrid aysan dooneyn inay bixiso lacag intaas ka badan.

Si kastaba ha ahaatee, tani waa mid aad ugu wanaagsan Madrid oo magacyo waaweyn dooneysa inay usoo dhaqaajiso Bernabeu.

Icardi ayaa lagu qiimeeyaa 110 milyan oo euro, Real Madrid ayaana la aaminsan yahay inay u aragto mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip