Maxay Horyaalka Talyaaniga kaga Dhigan Tahay Saxiixa Cristiano Ronaldo?

0
Saturday July 21, 2018 - 20:43:49 in Wararka by
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Horyaalka Talyaaniga kaga Dhigan Tahay Saxiixa Cristiano Ronaldo?

    Cristiano Ronaldo oo ku biiray kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus ayaa sarre u qaadi kara heerka daawashada horyaalka Talyaaniga, sida uu aamisan yahay agaasimaha kooxda Roma Mia Hamm. Ronaldo ayaa saxiixay heshiis afar sanno ah oo uu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo oo ku biiray kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus ayaa sarre u qaadi kara heerka daawashada horyaalka Talyaaniga, sida uu aamisan yahay agaasimaha kooxda Roma Mia Hamm. Ronaldo ayaa saxiixay heshiis afar sanno ah oo uu kula joogayo Juve oo bixisay lacag gaareysa € 112million.

Agaasimaha Roma ayaa tilmaamay in heshiiska ay sameysay kooxda Juventus uu sare u qaadi doono sumcada horyaalka Talyaaniga.

"Aniga ahaan, mar walba waan la dagaalamaa Juventus, sidaasi darteed waxa ay abuureysaa tartan kale ii xiiso leh,” Hamm ayaa u sheegay Omnisport.

"Ciyaaryahanka ugu fiican adduunka inuu yimaado Serie A macnaheedu waa wax badan inuu kusoo kordhin doono halkaan, waxaan u maleynayaa inay kor u qaadeyso arintaan sumcada horyaalka.

"Waxaan u maleynayaa inay indhaha ku hayn doonaana dad badan horyaalka Serie A.

"Horyaalka ayaa ka jawaabi doona waxa uu yahay Ronaldo iyo doorashadiisa.

Diyaargarowga Roma ee xilli ciyaareedka 2018-19 ayaa lagu arkay ciyaartoy ay ku jiraan Javier Pastore, Justin Kluivert, Ivan Mercano iyo Davide Santon.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip