PSG oo Ka Hadashay Mustaqbalka Mbappe Iyo Neymar

0
Saturday July 21, 2018 - 20:20:38 in Wararka by
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PSG oo Ka Hadashay Mustaqbalka Mbappe Iyo Neymar

    Madaxwaynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu dhexmaray weeraryahanada kooxdiisa Kylian Mbappe iyo Neymar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu dhexmaray weeraryahanada kooxdiisa Kylian Mbappe iyo Neymar.

Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa leh xiriir aad u fiican, waxaana ay labada ciyaaryahan markasta diyaar u yihiin inay caawiyaan kooxda, sida uu sheegay madaxweynaha Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi.

Mbappe iyo Neymar ayaa labadoodaba sheegay inay sii joogi doonaan PSG xilli ciyaareedka 2018-19, iyadoo Real Madrid ay soo bandhigtay dalab ay ku dooneyso labada ciyaaryahan.

PSG ayaa xaalad fiican heshay seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ee uu hogaaaminayay tababare Unai Emery, inkastoo Neymar uu seegay garoomada dhamaadka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Al-Khelaifi ayaa ku celiyay in labada ciyaaryahan ee weerarka ka ciyaara ay diyaar u yihiin inay caawiyaan tababaraha cusub ee PSG Thomas Tuchel.

"Neymar iyo Mbappe waxay heystaan ​​xiriir wanaagsan, waxay u fakiraan si isku mid ah,” ayuu yiri madaxweynaha PSG saxaafada u sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip