Eden Hazard Iyo Willian oo Hal Koox Ku Biiri Kara Isbuucaan

0
Saturday July 21, 2018 - 19:55:13 in Wararka by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eden Hazard Iyo Willian oo Hal Koox Ku Biiri Kara Isbuucaan

    Xidigaha qadka dhexe ee Chelsea Eden Hazard iyo Willian ayaa isbuucaan u wareegi kara kooxda Barcelona, waxaana warar kasoo baxay Spain lagu sheegay in labada ciyaaryahan ay wadahadal la fureen maamulka Catalon. Labada ciyaaryahan ayaa doonaya ina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidigaha qadka dhexe ee Chelsea Eden Hazard iyo Willian ayaa isbuucaan u wareegi kara kooxda Barcelona, waxaana warar kasoo baxay Spain lagu sheegay in labada ciyaaryahan ay wadahadal la fureen maamulka Catalon. Labada ciyaaryahan ayaa doonaya inay ku guuleystaan tartanka Champions League, waxaana ay fursadaan u arkaan inay ka heli karaan kooxda uu hogaamiyo tababare Ernesto Valverde.

Barcelona ayaa si la yaab leh ula xiriirtay Hazard, oo bartilmaaameed xoogan muddo dheer u ahaa kooxda Real Madrid.

Dhanka kale, Willian ayaa la jahwareersan wakhtigiisa Ingiriisiga, Waxaana uu doonayaa inuu kula biiro Camp Nou saaxiibkiisa reer Brazil Philippe Coutinho.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu kusoo kordhiyo kooxdiisa qaar ka mid ah magacyada ugu waaweyn suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Hazard waa xiddiga Chelsea ugu fiican waqtigaan, waxaana uu kaga tagi karaa London hashiiska ugu qaalisan kubadda cagta Ingiriiska.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday maanta dalabkiii seddexaad oo ah 55 milyan oo ginni oo ay ku dooneyso xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea Willian.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip