Al-shabaab oo wadada u galay gaari qaad u sidey degmada balcad
Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in gaari Homy ah oo u soo sidey qaad degmada Balcad ay wadada u galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyagoo dhaawacay darawalkii gaariga.
Gaarigan ayaa ka soo tegey magaalada Jowhar waxana uu ku sii jeeday degmada Balcad oo uu u waday qaad laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar hase yeeshee gaarigii iyo qaadkii saarnaa waxaa la wareegay ururka Al-shabaab.

Darawalkii gaariga ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaas lagu soo furay gaariga xilli uu marayay deegaanka Il-baq oo u dhexeeya magaalada Jowhar iyo magaalada Balcad.
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowr jeer hore weeraro dhabo gal ah ugu qaaday gaadiid ay saarnaayeen ciidamo isugu jira kuwa dowlada iyo kuwa AMISOM,iyadoo sidoo kale deegaanka Ilbaq ay miino kula qaraxday gaadiid dagaal.