Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka

0
Friday July 20, 2018 - 13:49:54 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Madaxweyne Putin ku casuumay inuu soo booqdo Mareykanka

    Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ku imanayo dalka Mareykanka. Hadalka aqalka cad ayaa wuxuu ku soo beeegmayaa xilli uu cambaareyn kulul uu la kulmay Trump kulanki Helsinki ee dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin uu sanadkan booqasho ku imanayo dalka Mareykanka. Hadalka aqalka cad ayaa wuxuu ku soo beeegmayaa xilli uu cambaareyn kulul uu la kulmay Trump kulanki Helsinki ee dalka Finland kula yeeshay Putin hadal uu ka sheegay kaddib. Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo Sarah Huckabee, waxay sheegtay iney durbadiba billaawadeen wadahadallada la xidhiidho booqashada uu Putin ku imanayo Mareykanka.

Xubin sare oo ka tirsan aqalka sare ee Mareykanka oo ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga oo la yidhahdo Chuck Schumer, ayaa durbadiba booqashada Putin uu ku imanayo Mareykanka si weyn uga hor yimid.

Isaga oo sheegay iney hadda kaddib dhaceyn iney markale fool ka fool u kulmaan labada hoggaamiye ilaa ay shacabka Mareykanka ogaadaan wixi ay kaga wadahadleen labada dhinac shirka Helsinki ay ku yeesheen iyo wixi ka soo baxay.

Madaxweyne Trump oo wareysi siiyeey telefishiinka CNBC Mr Trump wuxuu markale difaacay inuu soo wanaagsananayo xiriirka uu dalkiisu la leeyahay Ruushka, haddiise uu xiriirka uu wanaag uu ku socon waayo inuu Ruushka uu u noqon doono cadow uusan weli arkin.

Madaxweyne Trump wuxuu horay u diidday qorshe Ruushka uu ku codsaday muwaaddiniin u dhashay Mareykanaka inuu su’aalo weydiiyo.

President Donald Trump speaks before signing an Executive Order at the Treasury Department, Friday, April 21, 2017, in Washington. (AP Photo/Alex Brandon)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip