Wariyihii caanka ahaa Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London [HALKAAN KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA.}

0
Friday July 20, 2018 - 13:46:36 in Wararka by
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyihii caanka ahaa Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London [HALKAAN KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKIISA.}

    Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada London ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada London ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida

Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, waxaana lagu tilmaamaa aabayaasha Warbaahinta.

Waxaa uu saxaafadda ku soo biiray sanadkii 1973, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ayuu ku biiray Idaacadda BBC.

Yoonis Cali Nuur waxaa uu dhashay sanadkii 1952, isaga oo ku dhashay deegaanka Arabsiyo ee agagaarka magaalada Hargeysa.

Waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay la taliye u ahaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo mar ka shaqeeyay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Somaliland ee SLNT.



TAARIIRIIKHDIISA SHAQO QAAR KA MID AH AYAA WAXAA KA HADALAYA WARIIYE SACIID CALI MUSE  ISAGOO SHEEGAYA INTA U KA YAQAAN WAXAAN KA MID AH :-

Dhageyso Taariikh Nololeedka Marxuum Yoonis Cali Nuur


 

Allaha u naxariistee waxaa Xalay isbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wariye Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa Warbaahinta Soomaalida, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Idaacadda laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Rugcadaa saxaafadeed Siciid Cali Muuse oo ku sugan magaalada Hargeysa, islamarkaana in muddo ah ay isla soo shaqeeyeen Allaha u naxariistee Marxuum Yoonis Cali Nuur ayaa Radio Muqdisho uga waramay taariikh nololkeedka Marxuumka iyo waxyaabaha uu ka yaqaano.

"Muddo saddex sano ayaan wax wada baranaynay, Iskuulada Hoose ee Gebileey iyo Cadaadley ayuu iskuul ka dhigtay, markii uu dugsiga sare ka baxay waxa uu tegay Xamar oo uu ku ku biiray Xalane, halkaas ayaa laga qaatay oo uu ku biiray Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wakaaladda SONNA iyo Radio Muqdisho, waxaana uu qori jiray Wararka iyo Faalooyinka” ayuu yiri Saciid Cali Muuse.

Saciid ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee Marxuum Yoonis Cali Nuur uu ahaa shaqsi afgaaban misna ka adag shaqadiisa, bulshaduna ay aad u jecleyd.

"Markii Muqdisho ka dambeysay waxaan isugu nimid Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da, waxaana uu ahaa nin aqlaaq wanaagsan, nin shaqadiisa aad iyo aad ugu fiican, waxaad ka garaneysa faalooyinkii uu qori jiray ee markii uu joogay Radio Muqdisho iyo Wakaaladda SONNA, markii dambe waxa u ahaa ragga ugu cad cad ee BBC-ad laanta Af-ka Soomaaliga ah oo uu muddo 30 sano ka soo shaqeynayay” ayuu yiri Saciid Cali Muuse oo ka mid ah rugcadaaga Saxaafadda Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa ka tegay labo xaas iyo sideed carruur ah.

Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ku biiray Laanta Afka Soomaaliga BBC-da.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa bahda saxaafadda, ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerada allaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur.

Audio Player

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip