Guddiga Amniga Qaranka oo ku amray in muddo 48 saac gudahood la furo jidadka xiran ee Muqdisho

0
Friday July 20, 2018 - 13:42:57 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Amniga Qaranka oo ku amray in muddo 48 saac gudahood la furo jidadka xiran ee Muqdisho

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalau kulan xalay degdeg ah isugu ueerau Guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee ku aadan waddooyinka xiran ee magaalada, kaasoo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalau kulan xalay degdeg ah isugu ueerau Guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyinka shacabka ee ku aadan waddooyinka xiran ee magaalada, kaasoo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa waxaa uu Guddiga boggaadiyay sida Ciidamada Amniga uga jawaabeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ayshacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan, sida lagu yiri war saxaafadeed Guddiga soo saaray.

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga AmnigaQaranka ayaago’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sidaSoddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka,iyo maamulka gobolka Benaadir in aydib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Banaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi eeay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.



Kulanka Guddiga Amniga Qaranka uu xalay yeeshay ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka ay ka maqan yihiin xubnaha Guddigaas sida Ra’iisul Wasaaraha oo safar saacado qaatay shalay ku tagay dalka Zambia, isla markaana u gudbay Kenya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku sugan Sweden iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada oo safar shaqo ku maqan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip