Mareykanka oo liiska Argagixisada Kooxda Al-Hijra oo ah Laanta Al-Shabaab ee Kenya

0
Friday July 20, 2018 - 13:36:59 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo liiska Argagixisada Kooxda Al-Hijra oo ah Laanta Al-Shabaab ee Kenya

    Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada Caalamiga ku dartay Koox Islaami ah oo ka howl gasha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo xiriir la leh Kooxda Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada Caalamiga ku dartay Koox Islaami ah oo ka howl gasha Soomaaliya iyo Kenya, taasoo xiriir la leh Kooxda Al-Shabaab.

Kooxdan oo lagu magacaabo Jamaacatu Al Hijra ayaa waxaa hoggaamiya Ninka lagu magacaabo Axmed Iimaan oo u dhashay Kenya, kaasoo horay Mareykanka madaxiisa u dul dhigay mallaayiin doollar ah.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in wax ka bedel ku sameysay qaanadii ay ku jirtay Ururka Al-Shabaab oo Soomaaliya ku metesha Al Qaacidda, iyadoo balaarisay ayay liiska Argagixisada ku soo biirisay liiska ururada Argagixisada ee shisheeyaha ah.

Al Hijra ayaa la aas aasay sanadkii 2008-dii, isla markaana ah Laanta Al-Shabaab ee Kenya, waxaa la sheegay inay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Kenyanka ee ku biiray Al-Shabaab, sidoo kale waxay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu socdaalaan Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan falalka argagixisanimo.

Tallaabada cusub ee liiska argagixisada loogu daray Al Hijra ayaa ka dhigan in la xanibo dhaq dhaqaaqyada socdaalka ee caalamiga iyo in la xanibo dhaqaalaha ay ku leeyihiin caalamka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip