Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka (SAWIRRO)

0
Friday July 20, 2018 - 13:32:23 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib shirkii miro dhalka ahaa ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa Brussels waxa uu la kulmay madax ka socotay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, oo uu kala hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku soo sagootiyey magaalada Brussels, isagoona ku adkeeyey in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo-celinta maqaamkiii Soomaaliya ay ku lahayd saaxada Caalamka 

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu muhiimsan tahay tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidammada Qalabka Sida, kobcinta ganacsiga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dalka laga xoreeyo Al-shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisa ugu dulmaray qurbajoogta Soomaaliyeed ee Qaaradda Yurub guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka ah, kordhinta ilaha dakhliga, xaqiijinta kalsoonida beesha caalamka, dib-u-soo-celinta maamulka hawada iyo maxaabiistii ku dhibaataysnayd xabsiyada dalalka shisheeye oo waddanka dib loogu soo celiyey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip