Qatar oo beesha caalamka ka codsatay in si wadajir ah loo taageero Soomaaliya

0
Thursday July 19, 2018 - 12:08:54 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo beesha caalamka ka codsatay in si wadajir ah loo taageero Soomaaliya

    Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Qadar Sultan bin Saad Al-Muraikhi,oo magaalada Brussels kaga qeyb galay shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (International Partnership Forum on Somalia),ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in la kordhiyo lana joog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibada Dowladda Qadar Sultan bin Saad Al-Muraikhi,oo magaalada Brussels kaga qeyb galay shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya (International Partnership Forum on Somalia),ayaa ugu baaqay Beesha caalamka in la kordhiyo lana joogteeyo taageerada la siinayo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar,ayaa ka dalbaday Beesha caalamka in ay ku soo biiraan dadaalka wadajirka ah ee lagu doonayo in xal loogu raadiyo dhibaatooyinka ka jira Soomaliya si loo joogteeyo Qaranimada loona gaaro dib u heshiisiin Qaran,wuxuuna qiray in Horumar dhinacyo badan ah laga gaaray dhinacyada ammaanka,dhaqaalaha iyo waliba adeegyada asaasiga ah ee Bulshada u baahan yihiin.

Wuxuu sheegay Sultan bin Saad Al-Muraikhi,in Dowladda Qadar balan qaadeyso in Soomaaliya taageero buuxda ka siineyso dagaalka ka dhanka Kooxda Argagixisada,islamarkaana ay xoojineyso wada shaqeynta kala dhaxeyso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Mr. Sultan bin Saad Al-Muraikhi,ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si meesha looga saaro kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.



Wasiirka Arrimaha dibadda Qadar,ayaa cadeeyay in caqabadaha ay wajaheyso Soomaaliya ku koobneyn kaliya Ammaanka,dhaqaalaha,Arrimaha Bulshada,Hay’adaha iyo Amniga gudaha balse ay jiraan masiibooyin dabiici ah oo ay ugu horeyso Abaarta oo guud ahaan dalka saameysay.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Qadar markasta u taagan tahay iney Dowladda ka taageerto arrimahaasi iyo goobaha kale ay saameynta ku yeelato,isagoona beesha caalamka ka dalbaday in si wadajir ah looga garab istaago Somaaliya,Nabad galyada,Horumarka iyo Xuquuqda aadanaha.

Magaalada Brussels waxaa maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay shirka caalamiga ah ee diiradda lagu saarayay arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen madaxda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo waliba xubno matalayay Beesha caalamka,waxaana la iskula afgartay shirkaasi in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip