Ciidamada koofi guduuda oo saakay fuulay Dabaqyada ku yaalla isgoyska Ceelgaabta, kadib….

0
Thursday July 19, 2018 - 11:51:10 in Wararka by
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada koofi guduuda oo saakay fuulay Dabaqyada ku yaalla isgoyska Ceelgaabta, kadib….

    Ciidanka koofi guduuda ee ka tirsan guutada 60-aad ee ilaaliya xarunta Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ayaa saakay fuulay qeybta sare ee Dabaqyada ku yaalla agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka koofi guduuda ee ka tirsan guutada 60-aad ee ilaaliya xarunta Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ayaa saakay fuulay qeybta sare ee Dabaqyada ku yaalla agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah kuwa sugaya ammaanka Madaxweynaha oo dhaqdhaqaaqa kor kala socanaya marka uu marayo aagaasi, oo laga casbi qabo inay dhacaan falal ka baxsan ammaanka, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu maanta dalka dib ugu soo labanayo.

Arintan oo ah mid cusub ayaa ka dambeysay kadib weerarkii qaraxyada iyo midka tooska ahaa isugu jiray ee Ururka Al Shabaab, Sabtidii ina dhaaftay ay la eegteen Bar Kontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada, taasi oo ku dhaw Beerta Nabadda, maalinkaasi oo Madaxweynaha dalka uu uga ambabaxay safarkii Brussels.

Markii hore ma jiri jirin in ciidamada ay fuulaan Dabaqyada ku yaalla agagaarka isgoyska Ceelgaabta, balse waxay xiri jireen wadada ka timaada Dekeda ee marta Ceelgaabta ilaa Madaxtooyada, inta Madaxweynaha uu ka gudbayo halkaasi, dalka haka dhoofo ama dib ha ugu soo laabtee.

Ciidamada ayaa shacabka guryahaasi degan ku amray inay furaan qeybta sare ee guriga, si ay u fuulaan oo ammaanka ay u xaqiijiyaan, iyada oo ciidamadan ay yihiin kuwo aad u feejigan.



Waxaa la arkayay ciidamada oo saaran Dabaqyada oo si miiqab leh u eegaya hareerahooda, sidoo kale isgoysyada qaar wadadan ayaa waxaa lagu jaray gaadiidka dagaalka ee waa weyn, oo horey aanay u dhici jirin.

Shacabka degan guryaha ay ciidamada fuuleen ayaa sheegay inay dareemayaan xaalad amni daro ah, waxayna tilmaameen in lagu beegsan karo, maxaad ciidanka ugu ogolaateen guryihiina.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda oo durba arrintan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dowladdu ay ceeb ku tahay in weeraro Shabaab ay uga baqaan wadada Madaxweynaha uu maro oo Madaxtooyada aanan ka fogeyn.

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip