Afar sababood oo xilli ciyaareedka soo aaddan ka dhigi karta midkii Liverpool

0
Thursday July 19, 2018 - 09:31:56 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar sababood oo xilli ciyaareedka soo aaddan ka dhigi karta midkii Liverpool

    10-kii sano ee la soo dhaafay, kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa dhex maquurraneysay xaalado kala duwan oo dhib badan iyadoo aanan saameyn ku yeelan ku guuleysiga tartamada waaweyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10-kii sano ee la soo dhaafay, kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa dhex maquurraneysay xaalado kala duwan oo dhib badan iyadoo aanan saameyn ku yeelan ku guuleysiga tartamada waaweyn.

Tan iyo markii macallinka Liverpool uu noqday Jurgen Klopp, Reds waxaa laga arkay is bedello badan isagoo gaarsiiyay laba Final oo tartamada Yurub ah.

Xilli ciyaareedkii u dambeeyay ayay naadiga reer England gaartay Final-ka tartanka Champions League-ga iyadoo uga mahad celineysa saf ay hooggaan u ahaayeen weeraryahannada kala ah Sadio Mane, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino.

Haddaba war bixintan waxaa ku eegi doonnaa Afar sababood uu ay Reds ku noqon karto mid awooddeeda ay sii xoogeysato.

4- Xaalka goolka: Macallin Jurgen Klopp ayaa ugu dambeyn xal u helay booska goolhayaha ka dib markii uu soo gabagabeeyay heshiiska Alisson, si uu booska koowaad kala wareego Loris Karius.

3- Dejan Lovren: Difaaca Liverpool ayaa qaab wacan kusoo laabtay maadaama uu si aad ah kaga dhex muuqday xulka qaranka dalka Croatia oo uu ka saaciday inay gaaraan Final-ka Koobka Adduunka.



2- Saxiixyada cusub: Xiddigaha kala ah Naby Keita iyo Fabinho ayaa xagaagan kusoo biiray khadka dhexe ee Anfield, kuwaas oo Klopp ka saacidi doonna kala doorashada dookhyo kala duwan.

1- Saddexleyda hore: Weeraryahannada Liverpool ee kala ah Mane, Firmino iyo Salah ayaa mar kale laga yaabaa inay ka yaabsadaan qaaradda Yurub, iyagoo bedel ahaan u helaya Xherdan Shaqiri.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip