Madaxweynaha oo furay Shirka wada tashiga doorashada sanadka 2016 (Sawirro)

0
Saturday September 19, 2015 - 20:22:19 in Wararka by
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo furay Shirka wada tashiga doorashada sanadka 2016 (Sawirro)

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasada Soomaaliya ee sanadka 2016-ka, iyadoo shirkan ay ka soo qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasada Soomaaliya ee sanadka 2016-ka, iyadoo shirkan ay ka soo qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.


 


 

Madasha wadatashiga heerka Qaran ee looga tashanayo mustaqbalka dalkeena iyo halka uu u socdo sanadka 2016 kahor iyo waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mudane Cumar Carta Qaalib, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Jubba, iyadoo dhanka beesha caalamka ay ka qeyb galeen Wakiilada Qaramada Midoobay, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno kale oo ka socday safaarada beesha caalamka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka furan.

 

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa inta uu socdo hirgelinta hanaanka loo marayo doorashada ka dhaceysa dalka nuuca ay noqoneyso iyo qodobo kale oo muhiim ah, iyadoo furitaanka maantaa uu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamauud oo sharaxay sida ay muhiim u tahay in Soomaaliya oo wadajirto ay qorshe cad la timaado si caalamkuna ugu caawiyo qorshahaasi.

 

"Wixii aan isku raacno ayaan xambaareynaa, waxaan aad iyo aad u soo dhaweynayaa afkaaraha wanaagsan, wixii aan ku kala duwanaano waan xalineynaa, qorshahan Soomaalida ayaa iska leh, hadii ay ceyb ka timaado anaga ayaa ka mas’uul ah, haddii lagu guuleysto anaga ayaa iska leh, marka saaxiibadeena caalamka waxaan uga baahanahay inay nagu taageeraan qorshahan aan wadno, shirka wadatashiga Qaran wuu noo furanyahay” ayuu yiri Madaxwene Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay sida bulshada ku nool deegaanada Maamulka Somaliland uga qeyb geli karaan wadatashiyadan ayaa yiri "Wadatashiyadan waa mid ay Soomaalidu bilowday, runtiina mabda’iyan waa ka mid Somaliland, hadba sida ay daruufuhu inoogu ogolaadaan inay uga mid noqdaan waan kawada shaqeyneynaa, arrintii wada hadalka meel fiican ayay mareysaa”.

 

Madaxweynayasha maamul goboleedyada oo dhankooda ka hadlay shirka ayaa tilmaamay in ay tahay tallaabo aad u muhiimsan oo madaxdu ay ka tashaneyso aayaha dalka, ayna diyaar u yihiin in si wada jir ah looga qeyb qaato arrinta.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xusay in madashan ay mari doonto heerar kala duwan.

 

"Waxaa la go’aamiyay wada tashigan uu yahay mid Soomaalidu ay leedahay, madaxda ayaana go’aamo ka gaaraya arrintan, doorka beesha caalamkuna waxa ay tahay in ay xagga dhaqaalaha naga caawiyaan, marka uu qorshahan noo dhamaado talllooyinka dadweynaha ayaa la soo uruurin doonaa, Soomaaliya maanta gacmaha ayay is heysataa, waxaana la soo saarayaa gole arrinta hogaamin doono” ayuu yiri Wasiirka.

 

Shirkan wada tashiga oo labo cisho socon doona ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeedka ku aadan nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta Soomaaliya iyo halka loo socdo marka uu dhamaado wakhtiga dowladda hadda jirta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip