Labadii xaq darro ku heshiisa xaqqa ayay ku dagalaamaane

0
Wednesday July 18, 2018 - 09:49:29 in Wararka by
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadii xaq darro ku heshiisa xaqqa ayay ku dagalaamaane

    Maraykan ka iyo xulafadiisa reer galbeedka iyo is bahaysiga NATO waxay ku bahoobeen xaq darro, awood sheegasho, dhaca iyo boobka dunida ay ka itaalka roon yihiin iyo kheyraadkoodii. Waxa kaliya ee isku keeney wuxuu ahaa marka laga tago caqiidada guus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykan ka iyo xulafadiisa reer galbeedka iyo is bahaysiga NATO waxay ku bahoobeen xaq darro, awood sheegasho, dhaca iyo boobka dunida ay ka itaalka roon yihiin iyo kheyraadkoodii. Waxa kaliya ee isku keeney wuxuu ahaa marka laga tago caqiidada guushii dagaalkii labaad ee adduunka waxayna sidoo kale isku bahaysteen markii danbe dagaalkii qaboobaabaa.

Ingiriiska oo ah aabaha wax kasta oo dunida ka khaldan oo ay ugu weyn tahay qaybinta iyo xuduudo beenaadka Afrika, dhul boobka Yuhuuda iyo heshiiskii ku dejiyay dhulka reer Falasdiin dad aan u dhalan waxaa isaga iyo Yurubiyaankuba xulafaysiga u arkeen dan si ay uga gaashaantaan baqdin ay ka qabaan Ruushka.

Maraykanku Ciraaq saliid iyo wuxuu u galay in Yuhuudu laga hor qaado awood kasta oo bariga dhex kajirta oo diidan is balaadhinta, boobka iyo tacadiga Yuhuudda si ay usii wataan barakicinta iyo deegaamaynta xaaraanta ah. Sidaa darteed wuxuu awoodda NATO kaga faa’idaystay si uu u caalamiyeeyo dagaalka balse Saddam nucliyeer ma haysan.



25% dhaqalaaha Maraykanka Yuhuud baa leh waxayna leeyihiin saameyn balaadhan iyagoo xukuma labada aqal ee Congresska iyo Senate kaba waxayna ka helaan 4bilyan oo dollar sanad kasta iyo 25%hubka dowladu samayso. Iyagoo gacanta ku haya warbaahinta iyo shirkadaha ugu waa weyn.

Majiro Madaxwayne marakaykan ah oo aanay ogolaanin lana soo marsiin AEPAC oo ah ururkooda oo xataa gaadhay inay basaasaan sirdoonka qaranka.

Bernie Sanders oo ahaa musharax u taagnaa Dimuqraadiga/independent na ah isla markaana asalkiisu yuhuudi ah ayaa kamid ahaa dadkii ka horyimid dhinac la safashada Maraykan ka u xaglinta Yuhuudda. Wuxuu diiday inuu ka khudbeeyo markay musharaxiinta dhan u yeedheen ururkaasi2016 wax yar kahor doorashadii 2016, Sidoo kale wuxuu ku canaantay Hillary Clinton inaysan waligeed Ka hadlin baahida carruurta reer Falasdiin dooddii labaad ee mushariinta.

Aragtida Zionismka ah oo bannaanka laga soo waariday oo ah yuhuudnimada oo la siyaasadeeyey waxaa kasoo hor jeeda dad badan oo yuhuuda oo aaminsan in kitaabkoodu sheegayo in aan la samayn karin dal la yidhaahdo Israel waxayna ka xun yihiin waxa gaadhaya dadka reer Falasdiin, qolyaha sidaa aaminsan oo uu Bernie kamid yahay waa dadkii hore u degenaa dhulka barakaysan ee la noolaa Falasdiiniyiinta.

Bernie sidaa darteed ayaa xubnaha dimuqraadiga ee codadka gaarka ah ee ka masaxbannaan cod bixiyeyaadha ugu xagliyeen Hillary C oo guul darro weyni gaadhay markii dambe.

Israel waa wadanka 4aad ee dunida ugu awoodda badan, waxay haystaan Nuclear sharci darro lagamana hadli karo, waxaase Iran heshiiskeeda loo burburinayaa waa in iyaga lagu dhawro, heshiiskii XUBNAHA UGU WAA WEYN EE NATO la galeen Iran waxaa laalay TRUMP oo wiilka uu sodoga u yahay ee Kushner oo ah nin u dhashay Israel uu u yahay la taliyihiisa bariga dhexe.. Waana maskaxda Ka dambeysay in caasimaddooda loogu raro QUDUS oo ah magaalo ka wada hadalkeedu uu yahay midda ugu dambaysa ee ay tahay inay raali isaga yihiin labada dal ee mustaqbalka la hiigsanayo kuna qoran xeerarka qaramada midoobay.

Ugu dambeyn… Labadii xaq darro ku heshiisa xaqqa ayay ku dagalaamaane ninka waalan ee Maraykanka qabsaday wuxuu xididda u siibayaa NATO iyo xulafadii ugu dhawayd Maraykanka sida Uk,Germany iyo France iyo Canada, wuxuuna kusoo rogay canshuur dheeri ah, ololihii doorashada wuxuu su’aal galiyay sababta uu Maraykanku u difaacayo Germany iyo sababta uu lacagta ugu badan ugu bixiyo NATO.

Waxaa siyasadiisa ku dhisan nacaybka iyo cunsuriyadda gacanta ku haya Yuhuudda oo Ka baqaysa haddii Maraykanku Iran weeeraro in Ruushku ku bilaabo ama kusoo hubeeyo.

Shalay wuxuu muujiyay sida uu ugu debecsan yahay Putin islamarkaana xidhiidhka labada dal ee xumaaday wuxuu huwiyay Maraykanka oo ah dalkiisa.
Doorshadii 2016 oo sirdoonka Maraykanka oo dhan isku raacay in Ruushku faragaliyay wuxuu Trump sheegey in aanu aaminayn sirdoonka qarankiisa oo uu aaminayo Putin oo eedda iska fogeeyey. Arrinkaa aad bay ugu cadhoodeen siyaasiyiinta dalka Maraykanku ha yeeshee xaqiiqadu waxay tahay in Ruushku ka qayb qaatay sidii Trump usoo bixi lahaa si ay u maamushaan.

Waxaan hubaa in qolyaha tunka waa weyn ee isku bahaystay u xoog sheegashada dalalka soo kacaya isku dhacooda iyo kala dhantaalkoodu dunida caddaalad kusoo celinayo.

Ha wareegtu giraantu

Khaliif Faarax Xayir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip