"Maradona: "Qalbiga Ayaan Falastiin Ka Ahay"!

0
Wednesday July 18, 2018 - 09:38:31 in Wararka by
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maradona: "Qalbiga Ayaan Falastiin Ka Ahay"!

    Ciyaaryahankii hore ee dalka Argentine Diego Maradona,ayaa la kulmay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas. Diego Maradona,ayaa kulanka Cabbaas uu la qaatay ku sheegay in Isaga oo ah ciyaaryahan reer Argentine ah haddana uu qalbiga ka yahay qof Fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahankii hore ee dalka Argentine Diego Maradona,ayaa la kulmay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas. Diego Maradona,ayaa kulanka Cabbaas uu la qaatay ku sheegay in Isaga oo ah ciyaaryahan reer Argentine ah haddana uu qalbiga ka yahay qof Falastiin ah,dhibka Falastiin ka heysta Israelna uu la qeybsanayo.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waxaa uu marti ku ahaa munaasibadda xiritaanka Koobkii adduunka ee lagu soo xiray Ruushka waxaana warqadda casuumaadda ah u diray Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin.

Kulanka kaddib Maradona ayaa Bartiisa Instagram-ka ku yiri "Madaxweyne Cabbaas waxaa uu heystaa Dal,xaq ayuuna u leeyahay,waxaana ahay Falastiini”.
Dalka Argentine ayaa ka hor koobka adduunka waxaa ay baajiyeen ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ballansanaayeen kuwa Israel kaddib markii la sheegay in lagu ciyaarayo Magaalada Quddus.
Xiriirka Kubadda Cagta Argentine ayaa sheegay in Quddus aysan u aqoonsaneyn dhul Israel sidaas darteedna aysan ku ciyaareyn.
”Maradona: “Qalbiga ayaan Falastiin ka ahay!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip