Nicolas Maduro; Afrika ayaa ku guulaysatay Koobka Adduunka

0
Tuesday July 17, 2018 - 19:21:26 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nicolas Maduro; Afrika ayaa ku guulaysatay Koobka Adduunka

    Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku tilmaamay guusha uu ka gaaray xulka Faransiiska inay ku timid ciyaartoyda asalkoodu yahay qaarada Afrika. Maduro ayaa sheegay in Afrika Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska, isagoo ugu baaqay wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha wadanka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku tilmaamay guusha uu ka gaaray xulka Faransiiska inay ku timid ciyaartoyda asalkoodu yahay qaarada Afrika. Maduro ayaa sheegay in Afrika Koobka Aduunka u qaaday Faransiiska, isagoo ugu baaqay wadamada qaarada Yurub in ay joojiyaan faquuqa ka dhanka ah dadka soo galootiga ah.

Telefeshinka dawladda ayaa ka soo xigtay madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya magaalada Caracas oo leh:”Xulka Faransiiska ayaa ku guulaystay, inkastoo ay u ekayd in Afrika ay ku guulaysatay. Xaqiiqatan Afrika ayaa ku guulaysatay – waana Afrikaankii soo galootiga ah ahaa ee Faransiiska tagay. Waxaan rajaynayaa in Fariintaas ay Yurub gaarto,” hala joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afriko ka dhanka ah

"Ha la joojiyo cunsurinimada Yurub ee dadka Afrika ka dhanka ah, hala joojiyo cunsurinimada ka dhanka ah dadka soogalootiga ah”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Maduro.

Dalka Faransiiska ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka kaga badiyay Croatia 4-2.

Xulka Faransiiska oo 23 ciyaartoy ka koobnaana 15 ka mid ah wuxuu faracoodu ka soo jeedaa Afrika, waxayna u badan yihiin dalalkii uu Faransiisku gumaystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip