Goolashii Ugu Badnaa, Kaararkii Ugu Badnaa, Caawintii Ugu Badneyd Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Horyaalka Premier League Iyo Sannadkan Dhamaanaya Ee 2015.

0
Thursday December 31, 2015 - 20:43:25 in Sports News by
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolashii Ugu Badnaa, Kaararkii Ugu Badnaa, Caawintii Ugu Badneyd Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Horyaalka Premier League Iyo Sannadkan Dhamaanaya Ee 2015.

    Sannadka miilaadiga ee 2015 ayaa ku eg maanta oo khamiis ah, waxaana maanta qormadeena laacib.net ku eegi doonaa sannadkan 2015 iyo horyaalka ugu xiisaha badan waqti xaadirkaan kubada cagta caalamka ee Premier League, waxaana idiin soo gudbineynaa is

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadka miilaadiga ee 2015 ayaa ku eg maanta oo khamiis ah, waxaana maanta qormadeena laacib.net ku eegi doonaa sannadkan 2015 iyo horyaalka ugu xiisaha badan waqti xaadirkaan kubada cagta caalamka ee Premier League, waxaana idiin soo gudbineynaa istaatistiko kasta oo ku saabsan sannadkan iyo horyaalka Ingariiska.

Premier League 2015 – Goolashii ugu badnaa ee koox ka dhashay

Liiskaan waxaa nasiibdarro u sareysa kooxaha Newcastle United iyo Aston Villa oo ah kooxihii ugu badnaa ee shabaqa laga soo taabtay sannadkan 2015 horyaalka Premier League waxaana laga dhaliyay min 69 gool. Waxaa liiskaan sidoo kale ku jira Sunderland, Swansea iyo Leicester.

newcastle

1- Newcastle – 69 gool ayaa laga dhaliyay 2015

2 – Aston Villa – 69 gool

3- Sunderland – 64 gool

4- Swansea – 50 gool

5- Leicester City – 49 gool

Premier League 2015 – Goolashii ugu badnaa ee ay koox dhalisay.

Liiskaan waxaa u sareysa kooxda Manchester City oo dhalisay goolashii ugu badnaa sannadkan 2015 horyaalka Premier League iyagoo dhaliyay 79 gool halka Arsenal ay ku xigto islamarkaana ay dhalisay 70 gool.

Man-City-vs-Newcastle (1)

1- Man City – 79 gool ayay dhaliyeen 2015

2 – Arsenal – 70 gool

3- Tottenham – 67 gool

4- Leicester – 66 gool

5- Chelsea – 55 gool

Premier League 2015 –Kooxihii sameeyay baasaska ugu badna ee dhameystiran.

Kooxda Man United ayaa u sareysa liiska kooxaha sameeyay baasaska ugu badan ee dhameystiran horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo shanta kooxood ee ugu waa weyn horyaalka Ingariiska ay kuligoodba ugu sareeyaan liiskaan.

Manchester-United-v-Sunderland

1- Man United – 18,152 baasas dhameystiran ayay sameeyeen sannadkan 2015

2- Man City – 17,931 baasas

3- Arsenal – 17,528 baasas

4- Chelsea – 15,793 baasas

5- Liverpool – 15,700 baasas

Premier League 2015 –Celcelis ahaan boqolkiiba inta ay kubad-heysteen sannadkan 2015.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale celceliska kubad-heysashada ee boqolkiiba u sareysa, taasoo muujineysa in sannadkan aysan wax faa’ido ah soo kordhinin kubad-heysashada.

Manchester United

1- Man United – 62.5% ayay celcelis ahaan kubada heysteen sannadkan 2015

2- Man City – 59.2%

3- Arsenal – 56.8%

4- Tottenham – 56.7%

5- Liverpool – 56.0%

Premier League 2015 –Kaararkii Casaan Ee Ugu Badnaa

Nasiibdarro mar kale kooxda Newcastle ayaa ah kooxda ugu dishibiliinka xun sannadkan 2015 horyaalka Premier League, waxaana ay qateen 7 kaar oo casaan ah iyagoo labo ka sareeya koxoaha West Brom, Chelsea iyo West Ham

1- Newcastle – 7 kaar cas ayay qaateen sannadkan 2015

2- West Brom – 5 kaar cas

3- Chelsea – 5 kaar cas

4- West Ham – 5 kaar cas

5- Sunderland – 4 kaas cas

Premier League 2015 –Kaararkii Hurdi Ama JaaleEe Ugu Badnaa

Kooxda Tottenham ayaa liiskaan ugu sareysa iyadoo sannadkan 2015 kulamada Premier League ee la ciyaaray qaadatay 82 caalamada digniinta ee hurdiga ama jaalaha.

1415484083505_Image_galleryImage_Mousa_Dembele_of_Tottenha

1- Tottenham – 82 kaar jaale ayay qaateen sanandkan 2015

2- Sunderland – 81 kaar jaale

3- West Brom – 73 kaar jaale

4- Man City – 71 kaar jaale

5- Liverpool – 70 kaar jaale

Premier League 2015 –Xiddigaha ugu goolasha badnaa sannadkan 2015

Weeraryahanka kooxda Tottenham Harry Kane ayaa sannadkan 2015 uu u ahaa sannad fiican isagoo dhaliyay 27 gool oo Premier League ah. Waxaana uu sideed gool dheer yahay xiddigaha Romelu Lukaku, Jamie Vardy, Oliver Giroud iyo Sergio Aguero.

Harry-Kane

1- Harry Kane – 27 gool ayuu dhaliyay sannadkan 2015

2- Romelu Lukaku – 19 gool

3- Jamie Vardy – 19 gool

4- Oliver Giroud – 19 gool

5- Sergio Aguero – 19 gool

Premier League 2015 –Xiddigaha caawinta ugu badnaa sameeyay sannadkan 2015

Xiddiga xilli ciyaareedkan hogaaminaya gool caawinta Premier League ayaa sidoo kale hogaaminaya liiska xiddigaha caawinta ugu badan sameeyay sannadkan 2015 horyaalka Premier League, isagoo caawiye ka ahaa 20 gool oo 16 ka mid ah kaliya uu sameeyay xilli ciyaareedkan.

_87427473_ozil-getty

1- Mesut Ozil – 20 caawin ayuu sameeyay 2015

2- David Silva – 12 caawin

3- Santi Cazorla – 11 caawin

4- Marc Albrighton – 9 caawin

Chris Brunt – 9 caawin

Premier League 2015 –Xiddigaha fursadaha ugu badan abuuraysannadkan 2015

Xiddiga Arsenal Mesut Ozil ayaa sidoo kale hogaaminaya liiska isagoo abuuray sanadkan 2015 136 fursadood, waxaana xiddiga ku soo xiga ee Eden Hazard uu ka sareeyaaa 37 fursadood.

Ozil

1- Mesut Ozil – 136 fursadood ayuu abuuray sannadkan 2015

2- Eden Hazard – 99 fursadood

3- David Silva – 90 fursadood

4- Christian Eriksen – 87 fursadood

5 – Jason Puncheon – 73 fursadood

Premier League 2015 –Xiddigaha sameeyay baasaska dhameystiran ee ugu badnaa sannadkan 2015

Ozil saaxiibkiisa Arsenal Santi Cazorla ayaa isna liiskaan ku hogaaminaya 2253 baasas dhameystiran uu sameeyay sannadkan 2015, halka xiddiga Chelsea Cesc Fabregas uu ku soo xigo.

Cazorla

1- Santi Cazorla – 2253 baasas dhameystiran ayuu sameeyay sannadkan 2015

2- Cesc Fabregas – 1967 baasas

3- Mesut Ozil – 1886 baasas

4- Daley Blind – 1836 baasas

5- Fernandinho – 1817 baasas

Premier League 2015 –Goolhayayaasha shabaqa ilaashaday sannadkan 2015.

Goolhayaha kooxda Liverpool Simon Mignolet oo dhaleeceyn badan la kulmay xilli ciyaareedkan ayaa sidoo kale ah goolhayaha ilaashada shabaqa kulamada ugu badan sannadkan 2015.

simonmignolet

1- Simon Mignolet – 16 kulan ayuu shabaqa ilaashaday 2015

2- Joe Hart – 15 kulan

3- Boaz Myhill – 11 kulan

4- Petr Cech – 11 kulan

5- David de Gea – 11 kulan

Premier League 2015 –Xiddigaha daqiiqadaha ugu badan ciyaaray sannadkan 2015.

Goolhaye Lukasz Fabianski ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee daqiiqad walba ciyaaray sannadkan 2015 horyaalka Premier League.

1- Lucasz Fabianski – 3420 daqiiqadood ayuu ciyaaray sannadkan 2015

2- Wes Morgan – 3405 daqiiqadood

3- Harry Kane – 3356 daqiiqadood

4- Ashley Williams – 3330 daqiiqadood

5- Simon Mignolet – 3330 daqiiqadood




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip