Jose Mourinho Oo Dalab Ka Helay Kooxda Ugu Xun Adduunka, Weliba Dalab Cajiib Ah.

0
Thursday December 31, 2015 - 20:37:57 in Sports News by
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Dalab Ka Helay Kooxda Ugu Xun Adduunka, Weliba Dalab Cajiib Ah.

    Manchester United weli uma aysan dhaqaaqin Jose Mourinho laakiin hal koox oo ka dhisan Brazil ayaa dalabkeeda ku aadan tababaraha banaanka soo dhigtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United weli uma aysan dhaqaaqin Jose Mourinho laakiin hal koox oo ka dhisan Brazil ayaa dalabkeeda ku aadan tababaraha banaanka soo dhigtay.

Ibis Sport Club oo ah koox reer Brazil oo ka dhisan magaalada Racife ayaa soo bandhigtay warqad ku socota tababarihii hore ee Chelsea iyagoo sheegay in raashiin uu yahay mushaharkiisa bilaha ah, islamarkaana abaalmarin la siin doono kulan walba oo laga badiyo.

Haddii aysan taasi Mourinho soo jiidanin, waxa ay sidoo kale sheegeen in la ceyrin doono haddii uu tababaraha kooxda ku hogaamiyo hanashada horyaalka Brazil.

2372102_heroa
Haddii aadan weli fahmin, dalabka Ibis waa mid kaftan ah oo ay sameeyeen 28kii bishaan December oo loo yaqaano ‘Dia de los inocentes’, oo u dhigan maalinta beenta adduunka ee April Fool’s Day.

Ibis ayaa sidoo kale loo yaqanaa kooxda ugu xun adduunka ka dib markii ay guul la’aan ahaayeen seddex sanno iyo 11 bilood intii u dhaxeysay 1980kii iyo 1984tii.

Em primeira mão, o contrato do nosso futuro técnico José Mourinho, que já está aqui em Pernambuco. #MourinhoNoÍbis pic.twitter.com/KOan84L7ke

— Íbis Sport Club (@ibismania) December 28, 2015




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip