Sawirro:-Hirshabelle Oo Jowhar Ku Qabatay Koob Kubada Cagta Oo Lagu Xusayey Maxamed Dheere

0
Friday July 13, 2018 - 21:55:28 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Hirshabelle Oo Jowhar Ku Qabatay Koob Kubada Cagta Oo Lagu Xusayey Maxamed Dheere

    Gelinkii dambe ee Maanta Magalada Jowhar ee Xarunta Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxaa lagu soo gaba gabeeyey Ciyaar Kubadda Cagta ah oo lagu maamuusayey Marxuum Maxamed Caumar Xabeeb( Dheere) oo mar guddoomiye ka soo noqday Gobolka Shabeellaha Dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gelinkii dambe ee Maanta Magalada Jowhar ee Xarunta Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle waxaa lagu soo gaba gabeeyey Ciyaar Kubadda Cagta ah oo lagu maamuusayey Marxuum Maxamed Caumar Xabeeb( Dheere) oo mar guddoomiye ka soo noqday Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaba gabada Tartanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ,Wasiirro,Xildhibaanno ,Maamulka Gobolka Iyo kana Degmada Jowhar iyo inta badan dadka ku nool Magalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Tartanka Kubadda Cagta ayaa waxaa ka qeyb galay 18 kooxood oo ka dhisan Magalada Jowhar,waxaana Finalaha ugu dambeeyey isugu soo haray oo Galabta wada Ciyaaraha Kooxaha Sahan iyo elman,waxaan ugu dambeyn Koobkii ku guuleystay kooxda Kubada Cagta Sahan.

Dhammaan dadkii galabta Ciyaarta u soo daawasho tagay ayaa iyana waxaa ay soo bandhigeyn waxyaabihii ay ku xasuusteyn Marxuum Maxamed dheere intii uu noolaa ee uu guddoomiye ka ahaa Gobolka Shabeellaha dhexe.Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo Koobka guddoonsiiyey Kooxda Sahan ayaa ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Dheere oo guddoomiye kas oo noqday Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Banaadir uu ahaa halyey wax badan u qabtay dadka ku nool Shabeellaha dhexe.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip