Fifa oo shaacisay garsoorayaasha dhexdhexaadinaya ciyaarta finalka koobka adduunka

0
Friday July 13, 2018 - 19:52:58 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fifa oo shaacisay garsoorayaasha dhexdhexaadinaya ciyaarta finalka koobka adduunka

    Xiriirka kubbada cagta ee adduunka FIFA ayaa u magacawday garsoore Nestor Pitana oo u dhashay dalka Argentina in uu dhexdhexaadiyo ciyaarta kama dambeysta ama finalka ah ee tartanka ciyaaraha adduunka ee France iyo Croatia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubbada cagta ee adduunka FIFA ayaa u magacawday garsoore Nestor Pitana oo u dhashay dalka Argentina in uu dhexdhexaadiyo ciyaarta kama dambeysta ama finalka ah ee tartanka ciyaaraha adduunka ee France iyo Croatia.

Garsoore Nestor oo ah 43 jir ayaa ahaa garsoorihii kulankii ugu horeeyay ciyaaraha adduunka ee lagu furay Russia iyo Saudi Arabia sidoo kale waxa uu garsooray kulamadii Faransiiska iyo Uruguay iyo weliba Croatia iyo Denmark.

Nestor ayaa waxaa ka caawin doona garsoorida kulanka xiisaha leh ee 15ka bisha ka dhici doono dalka Ruushka Hernan Maidana iyo Juan Belatti iyo weliba Bjorin Kuipers.

Xulka Faransiiska ayaa soo gaaray kaalinta u dambeysa ee koobka adduunka kadib markii uu ka soo badiyay xulka Belgium halka ay Croatia suuldaartay xulka England iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xulka Croata soo gaaro ciyaarta finalka ee koobka adduunka.



Magacyada Garsoorayaasha Kulanka Finalka ee Koobka adduunka;

Garsoore: Nestor PITANA (ARG)

Calanhayaha 1aad : Hernan MAIDANA (ARG)

Calanhayaha 2aad: Juan P. BELATTI (ARG)

Garsooraha keydka; Bjorn KUIPERS (NED)

Kaaliye:Erwin ZEINSTRA (NED)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip