Khabiirka Ciyaaraha Jariiraada The Telegraph Ee Jason Burt Oo Soo Doortay Shaxda Kooxda Sanadkan Dhamaadka Ah Ee 2015 Ugu Fiican, Alexis Sanchez, Riyad Mahrez Iyo Xidigaha Shaxdan Ku Soo Baxay, Kooxdee Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh?

0
Thursday December 31, 2015 - 20:14:38 in Sports News by
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiirka Ciyaaraha Jariiraada The Telegraph Ee Jason Burt Oo Soo Doortay Shaxda Kooxda Sanadkan Dhamaadka Ah Ee 2015 Ugu Fiican, Alexis Sanchez, Riyad Mahrez Iyo Xidigaha Shaxdan Ku Soo Baxay, Kooxdee Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Leh?

    Saacado kaliya ayaa ka hadhay dhamaadka sanadkan 2015, waxaana barri bilaaban doona sanadka cusub ee 2016, markasta oo uu sanad dhamaado waxaa dib uqiimayn lagu sameeyaa badhiga iyo qaab ciyaareedka ciyaartoyda iyo kooxaha kubbada cagta. Haddana khab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacado kaliya ayaa ka hadhay dhamaadka sanadkan 2015, waxaana barri bilaaban doona sanadka cusub ee 2016, markasta oo uu sanad dhamaado waxaa dib uqiimayn lagu sameeyaa badhiga iyo qaab ciyaareedka ciyaartoyda iyo kooxaha kubbada cagta. Haddana khabiirka ciyaaraha jariiraada The Telegraph ee Jason Burt ayaa soo doortay shaxda kooxda sanadkan dhamaadka ah ee 2015. Waxa kale oo uu so xushay macalinka kooxdan

.alan-pardewrex_3538206k

Shaxda kooxdan ayaa ah 4-1-3-2, waxaana tababare kooxdan uuJason Burt uga dhigay tababaraha kooxda Crystal Palace ee Alan Pardew isaga oo sheegay in ay isku dhawaayeen tababaraha kooxda Tottenham eeMauricio Pochettino. Tababare Pardew ayaaCrystal Palace ka soo saaray kaalmaha horyaalka looga hadho wuxuuna ka dhigay koox laga cabsado oo kaalmaha hore soo gashay.

 

Goolhayaha: David de Gea

daviddegea_3538186k

Jason Burt ayaa goolhayaha shaxda kooxdiisa sanadka u doortay David De Gea oo suuqii xagaagii dhawaa uu burburay heshiis uu ugu biiri lahaa Real Madrid kadib markii uu xili ciyaareedkii hore uu Man United ka caawiyay in ay u soo baxday Champions Leaque-ga isaga oo waliba 2015 soo badhigay qaab ciyaareed cajiib ah.Jason Burt ayaa is waydiiyay halka ay Man United ku jiri lahayd haddii aanu De Gea qaab ciyaareedkiisa wacan ku caawin.

Difaaca Midig: Nathaniel Clyne

Nathaniel Clyne

Jason Burt ayaa sheegay in Clyne uu difaaca midig kaga guulsytayHector Bellerin, labadan difaac ayaa ka mid ah difaacyada midig ee horyaalka Ingiriiska ugu fiican, wuxuuna Burt sheegay in uu Clyne ku doortay qaab ciyaareedkiisa joogtada ah ee heerka kooxeed iyo xulka qarankiisa England.

Difaaca Dhexe:Toby Alderweireld

Toby-Alderweireld_3538189k

Jason Burt ayaa difaaciisa dhexe u soo qaatayToby Alderweireld oo qaab ciyaareed aan la rumaysan karin ku soo badhigay kooxaha Southampton iyo Tottenham, waxa uu sheegay inToby Alderweireld uu ciyaartoyda ka agdhaw ka dhigay kuwo fiican, xidiga ree Belgium ayaa ka soo dhex ifbaxay horyaalka Ingiriiska iyada oo uu ka mid yahay difaacyada ugu fiican.

 

Difaaca Dhexe: John Stones

John-Stonesget_3538190kKhabiirka shaxdan soo xulay eeJason Burt ayaa xidiga difaaciisa dhexe ee labaad u doortay John Stones oo ka tirsan kooxda Everton kaas oo ay kooxaha waa wayn ee Yurub oo u badan horyaalka Ingiriisku ay isku haystaan.Jason Burt ayaa qaabka uu Jones kubbada u ciyaaro ku tilmaamay mid layaableh iyo in uu yahay difaaca dhexe ee England ugu fiican.

Difaaca Bidix: Nacho Monreal

Nacho Monreal


Jason Burt ayaa si khaas ah uga hadlay Monreal, wuxuuna sheegay in sanad ka hor aanu xataa ku jirin doorashada kowaad ee shaxda Arsene Wenger isla markaana uu ahaa xidig bilaa miisaan ku ah Arsenal. Laakiin waxa uu intaa raaciyay in uu Monreal noqday difaac bidix oo aan cabsida aqoon isla markaana weerarka awood ku soo kordhiyay, isaga oo waliba xidig awoodleh ku sifeeyay.

Dhaxda Danbe:Francis Coquelin

Francis CoquelinBishii December ee dhamaadkii 2014 ayaa amaah lagaga soo celiyay kooxdaCharlton Athletic, markaasna looma arkayn in uu yahay xidig muhiim ah, laakiin 24 jirkanCoquelin ayaa sameeyay horumar aan la soo koobi karin, wuxuuna Burt sheegay in Coquelin uu isbadal ka sameeyay kooxda Arsenal, isaga oo soo qaatay badhigiisii kulankii ay Arsenal guusha ka soo gaadhay Manchester United markaas oo uu David Silva muuq beel siiyay.

Dhexda: Mesut Ozil

Mesut-Ozilpa_3538200k

Khabiirka shaxdan soo doortay eeJason Burt ayaa sheegay in Ozil uu markii hore eedayn la kulmay isla markaana uu wali u baahan yahay in uu horumar ka sameeyo kulamada waa wayn, balse waxa uu ku tilmaamay ciyaaryan qurux badan oo fursad abuure ah, mana jiro ciyaartoy la gool caawin ah Ozil ayuu hadalkiisa ku daray.Jason Burt ayaa intaa raaciyay in aanu jirin qof ka shaki sanaa tayada xidiga ree Germany ee Ozil.Ugu danbayn Burt ayaa hadaliisa ku soo gabagabeeyay in Ozil si gaar ah loo fiirin doono kulanka Champions Leaque-ga ee ay Arsenal la ciyaari doonto Barcelona.

Dhexda: Riyad Mahrez

Riyad-Mahrezreu_3538197kWax layaable ma aha inJason Burt uu shaxdiisa ku soo daray mid ka mid ah layaabka horyaalka Ingiriiska ee sanadkan 2015, wuxuuna Burt xidiga ree Algeria ku tilmaamay xidiga ugu xirfada fiican horyaalka Ingiriiska. Waxa uu sheegay in qiimo hooseeya lagaga soo iibsaday kooxda Le Havre, wuxuuna intaa raaciyay in Mahrez uu yahay xidiga Leicester ugu fiican inkasta oo uu Jamie Vardy ciwaanada ugu badan saxaafada ku qabsaday.Jason Burt ayaa layaab ku tilmaamay awooda lugta bidix ee Mahrez iyo ilqabadkiisa cajiibka ah ee goolka.

Dhexda: Alexis Sanchez

alexis-sanchezreu_3538202k

Jason Burt ayaa saddexda ciyaartoy ee kahdka dhexe ku soo darsaday Alexis Sanchez kaas oo uu ku tilmaamay in uu Arsenal hore ujiiday isla markaana ah mishiin gooldhaliye ah. Burt ayaa Sanchez ku sheegay in uu yahay ciyaartoy saamayn leh isla markaana hanti u ah horyaalka Ingiriiska, isaga oo intaa raaciyay in Sanchez uu waxqabadkiisu yahay mid uu la dhashay.

Weerarka: Jamie Vardy

jamie-vardyaction_3538205k

Ilaa dhamaadkii xili ciyaareedkii hore muu ahayn ciyaartoy si joogta ah loogu soo daro shaxda Leicester city, laakiin waxa uu samaystay fursadiisa kooxdiisa iyo xulka qarankiisa ayuuJason Burt yidhi isaga oo ka hadlayay Jamie Vardy oo Leciester City ka caawiyay in ay kaalmaha ugu horeeya kaga jirto Premier Leaque-ga. Vardy ayaa goolal badan ku caawiyay kooxdiisa Leicester City wuxuuna ka mid yahay xidigaha sanadkan 2015 ugu bandhiga fiicnaa isaga oo sanadkan dhaliyay 19 gool oo horyaalak Ingiriiska ah.

Weerarka:Harry Kane

kane

xaqiiqdii kane xataa waxa uu ka sii fiican yahay sidii xili ciyaareedkii hore, ma jiro ciyaartoy kale oo dhaliyay goolal ka badan inta uu isagu dhaliyay sanadkan 2015 ayuuJason Burt sheegay isaga oo ka hadlayay Harry Kane oo sanadkan dhaliyay 27 gool oo horyaalka Ingiriiska ah waxaana xidiga goolasha ugu badan dhaliyay , wuxuuna Burt intaa raaciyay in Tottenham ay u dagaalanto sidii ay Kane u sii haysan lahayd.

Haddaba akhriste shaxda uu soo xushay khabiirka ciyaaraha The Telegraph eeJason Burt ma ku raacsan tahay?Adiga oo aan koox jacayl ama nacayb fikirkaaga ku salayn haddii aanad shaxdan ku qancin maxaad adigu ka badali lahayd si aad shaxda u soo xulato shaxda sanadkan 2015 ugu fiicnayd.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip