Xidiga Borussia Dortmund Ee Ilkay Gundogan Oo Ay Doonayaan Kooxaha Arsenal, Mancehster United,Liverpool Iyo Barcelona Oo Ay Juventus 30 Milyan Ku Dalbatay Iyo Dalabkeeda Oo La Soo Diiday

0
Thursday December 31, 2015 - 20:09:04 in Sports News by
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidiga Borussia Dortmund Ee Ilkay Gundogan Oo Ay Doonayaan Kooxaha Arsenal, Mancehster United,Liverpool Iyo Barcelona Oo Ay Juventus 30 Milyan Ku Dalbatay Iyo Dalabkeeda Oo La Soo Diiday

    Kooxda Juventus ayaa isku dayday in ay kooxaha Arsenal, Manchester United,Liverpool iyo Barcelona ay uga hormarto saxiixa xidiga sida wayn loo doonayo ee Ilkay Gundogan oo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund. Juventus ayaa Hundogan ku dalbatay 30 mily

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Juventus ayaa isku dayday in ay kooxaha Arsenal, Manchester United,Liverpool iyo Barcelona ay uga hormarto saxiixa xidiga sida wayn loo doonayo ee Ilkay Gundogan oo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund. Juventus ayaa Hundogan ku dalbatay 30 milyan oo euros laakiin kooxda Dortmund ayaa soo diiday dalabka Old Lady.

Juventus ayaa muhiimda kowaad ka dhigatay saxiixa 25 jirkan ree Germany ee Gundogan, waxayna doonayaan in kooxdooda bisha January ay ku soo xoojiyaan laakiin kooxda Durtmund ayaa waqti xaadirkan doonayn in ay iska iibiso mid ka mid ah lugaha ay ku taagan tahay. Tababarha Dortmund eeThomas Tuchel ayaa doonaya in uu Gundogan ku sii haysto kooxdiisa.Ilkay Gundogan

HeshiiskaIlkay Gundogan ee Dortmund ayaa dhacaya sanadka 2017 laakiin xidigan ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan go’aan ka gaadhi doona mustaqbalkiisa inkasta oo ay bisha January kooxo badani doonayaan. Jurgen Klopp ooIlkay Gundogan kula soo shaqeeyay Dortmund ayaa lala xidhiidhinayay in uu Liverpool keenayo xidigan laakiin sidoo kale kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Barcelona ayaa diirada ku haya xidigan khadka dhexe.

Inkasta oo ay Juventus xagaagii la soo saxiixatay xidiga khadka dhexe ee Hernanes oo ay Inter Milan kala soo wareegtay ayuu haddana shan kulan oo kaliya xili ciyaareedkan ku bilawday shaxda Old Lady, waana sabab ay u doonayso saxiixaIlkay Gundogan.Massimiliano Allegri ayaaClaudio Marchisio siiyay doortkii Andrea Pirlo kaas oo aan wali booskiisa badal buuxa loo hayn.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip