Chelsea oo Tallaabo u jirta Saxiixa Jorginho
Chelsea ayaa dooneysa inay udhaqaaqdo ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho.
Jorginho ayaa wadahadalo kula jiray maalmihii lasoo dhaafay kooxda Manchester City isagoo diyaar u ah inuu u dhaqaaqo England.
Sportsitalia ayaa sheegtay in Chelsea ay la saxiixan karto Jorginho , waxaana kaliya ka caawin kara tababarihii hore ee Napoli Maurizio Sarri.
Haddii Chelsea ay ogolaato inay bixiso ugu yaraan 60 milyan oo ginni oo ah qiimaha lagu doonayo Jorginho, Manchester City ayaa halis badan gali karta.
Labada shaqsi ee Napoli kawada tirsanaa ayaa ka wada shaqeyn kara xili ciyaareedka dambe garoonka Stamford Bridge.
Chelsea oo Tallaabo u jirta Saxiixa Jorginho
Chelsea ayaa dooneysa inay udhaqaaqdo ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho.