Kullamada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka

0
Saturday July 07, 2018 - 11:12:08 in Wararka by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kullamada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka

    Dhawr ka mid ah ciyaartoyda Sweden ayaa Instagram ka hor kulanka England maanta ay ku wajahayaan Samara, waxay aku xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay garaacaan Three Lions si ay u gaaaraan wareega semi-finalka koobka adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawr ka mid ah ciyaartoyda Sweden ayaa Instagram ka hor kulanka England maanta ay ku wajahayaan Samara, waxay aku xaqiijiyeen inay diyaar u yihiin inay garaacaan Three Lions si ay u gaaaraan wareega semi-finalka koobka adduunka.



Sidookale Ingariiska ayaa doonaya in ay dib ugu soo laabtaan muddo ka badan 50 sano kadib wareegyada ugu dambeeya koobka adduunka oo ay ugu dambeysay Finalkii 1966-dii.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa galabta saacadu marka ay tahay 5:00 Galamnimo.

Dhinaca kale Ruushka ayaa diyaar u ah inuu ciidiisa ku dagaalamo markale caawa xulka qaranka Croatia.

Tababaraha Croatia Zlatko Dalic ayaa horey u sheegay in tartanku uu dhankooda hami weyn kaga jiro, , laakiin cudubka nolosha cusub ee u bilaaabatay Russia oo reebay Spain ayaa cabsi badan ku ah.

Ruushka iyo Croatia ayaa ku kulmay kaliya seddex jeer tartamada caalamiga ah, iyadoo Labada xulba barbaro ay ku dhameysteen kulankii UEFA Euro 2008dii , ka hor inta Croatia 3-1 kaga badin Rostov qaranka Russia 2015.

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee Jimcadii, Ivan Rakitic ayaa yiri: "Aniga ahaan kulan walba waa mid gaar ah marka aan u ciyaarayo xulka qaranka.

kadib guulihii Switzerland iyo Spain, xulka Croatia waxay rajeynayaan inay gaaraan marxalada ugu dambeysa tartankaan.

Ruushka ayaa caawa kula ciyaaraya Croatia kulanka ugu dambeeya ee marti galiyo garoonka ku yaala magaalada Sochi ee Fisht Stadium.

Taageerayaasha xulka martida loo yahay ayaa rajeynaya inay gaaraan ciyaarta semi-finalka.

Ciyaartaan ayaa la daawan doonaa caawa 9:00 Fiidnimo.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip