Liverpool, Manchester United iyo Chelsea oo il gaar ah ku heya saxiixa Ronaldo ee Juventus!

0
Friday July 06, 2018 - 20:13:02 in Wararka by
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool, Manchester United iyo Chelsea oo il gaar ah ku heya saxiixa Ronaldo ee Juventus!

    Laacibka sare ee Cristiano Ronaldo ayaa si xoog leh ugu sii siqaya ku biiritaanka kooxda Juventus isagoo ka gadoodsan kooxdiisa Real Madrid. Juventus ayaa iibin doonta ciyaartoy weerarka ka ciyaarta haddii ay gacanta kusoo dhigaan kabtanka Portuga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka sare ee Cristiano Ronaldo ayaa si xoog leh ugu sii siqaya ku biiritaanka kooxda Juventus isagoo ka gadoodsan kooxdiisa Real Madrid. Juventus ayaa iibin doonta ciyaartoy weerarka ka ciyaarta haddii ay gacanta kusoo dhigaan kabtanka Portugal, sidaas darteed waxaa xod xodasho ugu jira qaar ka tirsan kooxaha Premier League-ga kuwaas oo doonaya inay ka faa'ideystaan ciyaartoyda laga heli karo halkaas.

Manchester United ayaa qalqaalo ugu jirta weeraryahanka reer Croatia ee Mario Mandzukic si ay safkooda weerarka ugu lamaaniyaay Lukaku ama uu kula tartamo booska weerarka dhexe.

Halka Chelsea ay Juventus kala hadashay iibka Gonzalo Higuain isagoo qarka u saaran inuu ku biiro Stamford Bridge isagoo mar kale la shaqeyn doono macallinkii hore ee Napoli Muarizio Sarri.

Bianconeri ayaa dhankeeda ka fikireysa in iibka 30-jirka reer Argentina ay ka qayb dhigto Alvaro Morata oo ay dooneyso inay dib ugu soo celiso Turin.

Si la mid ah Liverpool ayaa qorshaheeda ku darsatay laacibka da’da yar ee Paulo Dybala.



Kooxda ka dhisan Anfield ayaa soo bandhigtay xiisaha ay u qabto laacibkii hore ee Palermo xilli ay qarka u saarantahay Reds inay mar kale ku guuldarreystaan saxiixa laacibka Lyon ee Nabil Fekir.

Old Lady ayaanan diyaar u ahayn inuu gacantooda ka baxo 24-ka weerarka ka ciyaara, hase yeeshee waxaa macquul ah inay ka sabarto haddii ay gacanta la hesho Cr7.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip