Chelsea oo albaabada u fureysa in Willian ka iibiso kooxda Barcelona laba sababood awgeed

0
Thursday July 05, 2018 - 10:26:30 in Wararka by
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo albaabada u fureysa in Willian ka iibiso kooxda Barcelona laba sababood awgeed

    Wararka ka imaanaya dalka Brazil ayaa sheegay inay kooxda Chelsea ay soo dhoweysay in Barcelona ay ka iibiso laacibka reer Brazil ee William.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Brazil ayaa sheegay inay kooxda Chelsea ay soo dhoweysay in Barcelona ay ka iibiso laacibka reer Brazil ee William.

29-jirkan ayaa ay soo billaabatay nux-nuxdiisa tan iyo markii uu Antonio Conte ka waayay inuu si joogto ah kaga hoos ciyaaro, waxaana si xoog leh loola xiriiriyay Manchester United iyo Barcelona oo xilli dambe soo gashay.

Dhowaan ayay naadiga reer Spain dalab usoo gudbisay dhiggeeda Blues dalabkii ugu horreeyay balse Chelsea ayaa ku gacan seertay.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa hadda diyaar u ah inay Barca ka iibiso laacibka Brazilian-ka ah si ay uga hesho dakhli ay suuqa kala iibsiga xagaagan uga soo kalluumeysato.

Tan labaad ayaa ah in Chesea aysan dooneyn laacibkan tayada sare leh inay ku dhex deyso gudaha England maadaama Manchester United ay sanad ka hor ka iibiyeen laacibka khadka dhexe ee Nemanja Matic.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip