"Imaatinka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus waa waxaan la rumeysan karin"… Blaise Matuidi

0
Thursday July 05, 2018 - 07:03:34 in Wararka by
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Imaatinka Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus waa waxaan la rumeysan karin"… Blaise Matuidi

    Blaise Matuidi ayaa sheegay inuu si aad ah u xiiseenayo in uu kaga garab ciyaaro Cristiano Ronaldo kooxda Juventus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Blaise Matuidi ayaa sheegay inuu si aad ah u xiiseenayo in uu kaga garab ciyaaro Cristiano Ronaldo kooxda Juventus.



 
Waxaa dhawaan soo baxay warar ku aadan in kooxda Juventus ay lasoo saxiixaneyso xidiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Kooxda reer Talyaani ayay wargeysyada sheegeen in ay saxiixa Cristiano Ronaldo ay ku bixin doonto qiimo gaarsiisan 100 million euro, wuxuuna mushaar ahaan u qaadan doono aduun dhan 30 million euros si uu u saxiixo heshiis 4 sano gaarsiisan.

Blaise Matuidi ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay la ciyaari doonaan Uruguay wuxuuna ka warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay wararka ku aadan in Ronaldo uu imaanayo kooxda Juventus.

"Waxay noqon doontaa wax aad u wanaagsan hadii ay dhacdo in uu Juventus yimaado Cristiano Ronaldo, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan aduunka,

"Waa wax wanaagsan hadii aan ka garab ciyaaro, sidoo kale waxaa imaatinkiisa ku farxi doona ciyaartoyda iyo kooxda”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip