Sideed Xul oo usoo baxay Quarter-finalka Koobka Adduunka

0
Wednesday July 04, 2018 - 12:25:44 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideed Xul oo usoo baxay Quarter-finalka Koobka Adduunka

    Ka dib 56 kulan oo laga ciyaaray Koobka Adduunka 2018 waxaa ugu dambeyn la ogaaday sideeda xul ee ugu dambeysa ee isugu soo hartay marxalada Quarter-finalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib 56 kulan oo laga ciyaaray Koobka Adduunka 2018 waxaa ugu dambeyn la ogaaday sideeda xul ee ugu dambeysa ee isugu soo hartay marxalada Quarter-finalka.

Si lamid ah wareega 16ka, ayaa loo ciyaari doonaa marxalada sideed dhamaadka Koobka Adduunka, tusaale ahaan haddii ciyaaraha lagu kala bixi waayo 90 daqiiqo waxaa lagu dari doonaa waqti dheeri ah oo noqon doona 30 daqiiqo, Haddii aysan ku kala bixine waxaa lagu go’aamin doonaa natiijada rigoore.

Uruguay, France, Brazil, Belgium, Sweden, England, Russia iyo Croatia ayaa dhamaan noqday xulalka nasiibka u helay inay soo garaan marxalada wareega sideeda koobka adduunka 2018.

Maanta oo arbaco ah iyo khamiista beri ayaa laga nasan doonaa ciyaaraha koobka adduunka, iyadoo ciyaaraha Sideed dhamaaka ay bilaaban doonaan jimcaha 5:00 galabnimo.



Kulamada Quarter-finalka, maaalmaha iyo saacadaha la ciyaaari doono hoos ka aqriso

Jimce, July 6 :Uruguay vs France, Nizhny Novgorod= 5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

Jimce, July 6 :Brazil vs Belgium Kazan =9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika

Sabtida, July 7:Sweden vs England Samara=5:00 Galabnimo ee saacada Geeska Afrika

Sabtida, July 7 :Russia vs Croatia Sochi =9:00 Habeenimo ee saacada Geeska Afrika



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip