Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo lacag iyo qalab sports u qeybiyay dhalinyaro Soomaaliyeed

0
Monday July 02, 2018 - 00:08:43 in Wararka by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo lacag iyo qalab sports u qeybiyay dhalinyaro Soomaaliyeed

    Dhowaan magaada Kampala ee wadanka Uganda waxaa ka furmi doona tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya caasimadaha 18-ka gobal ee Somalia. Tartankaan waxaa soo agaasimay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, waxaana ciyaari doona caasimadaha 18kii g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhowaan magaada Kampala ee wadanka Uganda waxaa ka furmi doona tartan kubadda cagta ah oo u dhaxeeya caasimadaha 18-ka gobal ee Somalia. Tartankaan waxaa soo agaasimay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, waxaana ciyaari doona caasimadaha 18kii gobal ee Somalia. Xildhibaan Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa qalab sports iyo lacago ugu deeqay dhalinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo midka Dhuusamareeb ee ka qeyb galaya koobka.

Dhalinyaradan ayaa markii hore codsi u diray xildhibaanka, waxaana xildhibaan Mustaf oo ka jawaabaya codsiga dhalinta uu wariye Cabdulaahi Cismaan Faarax oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala u wakiishay inuu labbada koox gaarsiiyo qalabka iyo lacagta. Munaasabad shalay ka dhacday Kampala ayey labbada koox ku gudoomeen dhiiri-galinta xildhibaan Mustaf Dhuxuloow.

Dhallinyarada ku ciyaareysa magaca Muqdisho iyo magaca Dhuusamareeb ayaa xildhibaanka uga mahad celiyay dhiiri galintiisa wanaagsan ee uu mar walba la garab taagan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tartanka ayaa furmi doona 14ka bisha July.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip