Xulka Spain oo laga reebay wareegga 8-da kadib markii loogaga badiyay rigoorayaal

0
Sunday July 01, 2018 - 21:34:18 in Wararka by
  • Visits: 512
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Spain oo laga reebay wareegga 8-da kadib markii loogaga badiyay rigoorayaal

    Xulka Spain oo ku guuleystey koobka adduunka 2010kii ayaa lagu reebay wareegga 16ka kadib markii xulka Ruushka uu ugaga badiyay rigoorayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Spain oo ku guuleystey koobka adduunka 2010kii ayaa lagu reebay wareegga 16ka kadib markii xulka Ruushka uu ugaga badiyay rigoorayaal.

Ciyaar adag oo labada xul ay wada ciyaareen ayaa sagaashankii daqiiqo waxa ay ku dhamaatay barbarro 1-1 ah, hase yeeshee 30 daqiiqo oo lagu daray ayaa sidoo kale aysan wax gool ah iska dhalin labada xul.

Balse waxaa loo dhigey rigoorayaal waxaana labo rigoore iska qasaariyay ciyaartoyda xulka Spain. Xulka Spain ayaa marayay wadadii ay mareen xulalka Argentina iyo Portuqal iyadoo hore xulka Jarmalka ku harey wareegga koowaad ee ciyaaraha adduunka 2018.

Xulka Ruushka ayaa la ciyaari doono xulalka Croatia iyo Denmark dalkii soo badiya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip