Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ka Furmay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul
Ciyaartii ugu adkeed ee shalay dhacday ayaa dhexmartay Kooxaha TC Starts oo Minnesota ka dhisan iyo Kentucky United waxaana ay ku dhamaatay barbar dhac 1 iyo 1
Ciyaartii kale ee xiisaha laheed ayaa aheed koox ka timi Vancuver Canada oo 2 iyo 0 ugu awood sheegatay kooxdaIowaoo gool la’aan garoonka kala hoyatay.
Ciyaartii Shalay dhexmartay Kooxaha TC stars iyo Kentacky ayaa waxaa loo dhigay Koob lagu Xusaayey Gudoomiyahii hore ee Isboortiga Minnesota Cabdi Cali oo dhawaan ku geeryooday Kenya waxaana Koobkii rigoore ku qaatay kooxdii Kentacky, walow ay ciyaartii caadiga aheed ee tartanka barbar dhac ay Tahay.
Ciyaarahaan ayaa kasocon doonaJaamacada St Thomas oo ku yaal Magaalada St Paul ilaa Maalinta bishaan Luuliyo ay tahay 7 oo la soo gabagabeen doono.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
siyad@hiiraan.com
Minneapolis MN
XIGASHO:-HIIRAAN.COM
Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ka Furmay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul
Ciyaaraha TodobaadkaSoomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaanayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimigobolada Maraykanka iyo Canada.