HORDHAC: England vs Belgium

0
Thursday June 28, 2018 - 07:49:14 in Wararka by
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: England vs Belgium

    .England iyo Belgium ayaa isaga hor imaan doona dheesha u dambeysa Group G ee cayaaraha koobka adduunka. Labada xul waxay kal hore xaqiijiyeen in ay u gudbeen wareega 16 balse kulankan ayaa lagu go'aamin doonaa xulka kaalinta sare ku dhameysta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.England iyo Belgium ayaa isaga hor imaan doona dheesha u dambeysa Group G ee cayaaraha koobka adduunka. Labada xul waxay kal hore xaqiijiyeen in ay u gudbeen wareega 16 balse kulankan ayaa lagu go'aamin doonaa xulka kaalinta sare ku dhameysta.


 

Ogeysiiska cayaarta

Tartanka: Koobka Adduunka

Waqtiga: 09:00 pm Saacada Geeska Africa

Garsooraha: Damir Skomina (Slovenia)

Garoonka: Kaliningrad Stadium

Wararka Labada Koox

England iyo Belgium ayaa la filayaa in kulankan u dambeya groupkooda ay nasiyaan qaar kamida safka kooxda koowaad .

Laacibka qadka dhexe ee xulka Seddaxda Libaax Dele Alli, kaa uu soo gaaray dhibaato muruqaa kulankii Tunisia, ayaa tababarka kusoo laabtay arbacadii laakiin lagama yaabo in halis la galiyo.

Marcus Rashford iyo Gary Cahill ayay suuragal tahay in loo yeero kulankan, iyadoo Eric Dier uu kusoo bilaaban doono safka kowaad.

Kevin de Bruyne, Thomas Meunier iyo Jan Vertonghen ayaa gaba jaalayaal waxayna halis ugu jiraan in ay ganaax la kulmaan hadii ay calaamad qaataan.

Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa ka maqan dheeshan, Si lamida Dries Mertens wuxuu qabaa walaac anqawgaa halka kabtan Eden Hazard laga dabiibayo dhibaato kubkaa.

Xaqiiqooyinka cayaarta

Fool ka Fool

England waa guuldaro la’aan labadii dheel ay hore ula cayaarta koobka adduunka dhigooda Belgium.

Kulan waxay galeen barbaro 4-4 1954-tii iyadoo cayaartii kalana ay 1-0 ku adkaatay England kulanka wareega labaad ahaa ee 1990-kii waxaana goolka guusha u dhaliyay waqtigii dheeriga ee cayaarta lagu daray David Platt.

Sido kale England waa guuldaro la’aan 11-kii kulan ee u dambeyay oo ay la kulantay Belgium, waxayna guushii u dambeysay ka gaareen kulan saaxiibtinimo oo dhacay June sanadkii 2012-kii.

England ayaa dhalisay siddeed gool koobka adduunka, taasoo ka badan goolashii ay dhaliyeen intii u dhaxeysay 1954 iyo 1990. Mar kaliya oo ay dhaliyeen goolal intaa kabadan waxay aheyd 1966 waxayna dhaliyeen 11 gool xiligaa oo ah mar qura oo ay England ku guuleystay koobka adduunka.

Belgium ayaa badisay mid kasta oo kamida labadii koob adduun kulamada u horeeya iyadoona dhaliyay seddax guul wax ka badan cayaartiiba – balse ma jirto koox adkaatay seddax dheel xariira koobka adduunka kuwaa oo dhaliyay seddax goo ama in kaban.

Shaxda Macquulkaa ee England vs Belgium.

 

GoolFM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip