JOWHAR WAA MAGAALO CEYNKEE AH?

0
Wednesday December 30, 2015 - 10:13:35 in Maqaallo by
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JOWHAR WAA MAGAALO CEYNKEE AH?

    Jowhar waxa ay Muqdisho u jirtaa 90 Km dhanka Waqooyi .Waxaa magaalada dhex marta wadada isku xirta caasimadda Soomaaliya iyo gobollada dhexe ee dalka ,waxa sidoo kale magaalada labo u kala qeybiya wabiga Shabeelle bari iyo galbeed. Dhanka bari waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jowhar waxa ay Muqdisho u jirtaa 90 Km dhanka Waqooyi .Waxaa magaalada dhex marta wadada isku xirta caasimadda Soomaaliya iyo gobollada dhexe ee dalka ,waxa sidoo kale magaalada labo u kala qeybiya wabiga Shabeelle bari iyo galbeed. Dhanka bari waxaa la oran jiray Buundo Bravo halka qeybta berri ee qadiimiga ahna lagu magacaabi jiray Bender Jadiid ama Benderka Hoose. Jowhar sida isku raacsan yihiin inta badan odoyaashii hore waxa magaca ay ka heshay tuulada Jowhar Eylo oo kacaankii uu u badalay Jowhar Soomaali.

Dadka ku dhaqan Jowhar badankood waa beeraley ama xoolo dhaqato . Jowhar waxa ay ka kooban tahay 4 xaafadood H/wadaag ,Horseed,Kulmis iyo Buulo Shiikh.

Imaanshihii Talyaaniga ee Jowhar

Marka ay taarikhdu u eheed 1917 waxa Soomaliya yimid nin Talyaani ah oo la oran jiray Amadao Luigi Duca Degli Abbrizzi oo kamid ahaa qoyska boqortooyada dalka Talyaniga.

Ujeedoda ugu weyn oo u yimid Somaliya waxey eheeyd inow helo dhuul uu beerto.

Dhowr degaan ayuu tagay oo wabiga shabelle ku dhiriirsan si uu eego deegaan ku haboon tacabka iyo wax soosaarka.

Baaris dheer kadib waxaa u soo baxday in deegaanka jowhar ee ugu haboon tahay beerashada dalagyada kala duwan, taaso ay ugu wacan tahay wabiga oo ka sareeya dhuul beereedka loona bahneyn matooro waraabka loo adeegsado

Waxa uu heshiis la galay dadka deeganka ee tuuloyinka jowhar Soomaali iyo Baalguri.

Heshiiskaas wuxa uu Duca ku helay dhul beereed baaxad leh oo ku teedsan wabiga Shabelle .

Duca waxa uu dib ugu laabtay talyaaniga si maalgalin ugu helo dhul beereedkii loogu yaboohay . Xilligaa Koofurta Soomaaliya waxaa maamulayay gumeystihii Talyaaniga .

Marki uu tagay Italiya waxuu asaasay shirkad magaceeda la yiraahdo S.A.I.S (societa Agricola Italo Somalo) oo ay milkiilayaashu yihiin 61 saamiley oo Duca oo uu ahaa Gudoomiye.

Lacagti uu ka soo qaaday saamileydii Talyaaniga ayaa waxa uu ku sooo iibiyay qalabka beeraha .Waxa uu la yimid shaqaale cadaan ah,waxana uu 1919kii dib ugu soo laabtay Jowhar.

Dalagyadii ugu horeysay ee uu beeray waxaa ka mid ahaa Suuf ,Qasab iyo lows. Waxaa u soo baxday sidoo kale Jowhar in ay si wanaagsan ugu bixi karto liinta noocyadeeda kala duwan sida Banbeelmada, Aranjo iyo Mandarino ,waxana xusuus mudan in Bambeelmadii Jowhar ka baxday ay noqotay tan ugu wanaagsan suuqii Talyaaniga ee waagaas qudaarta lagu iibin jiray Fiera di Milano

Waxow bilaabay si tijaabo ahaan inoow beero khaqsab kala duwan si’u uga xusho midka ciilada ugu adkeysiga badan, biyo badan aan u bahneen, mizaan kiisuna culis yahay.

Markii ay guuleysatay tijaabadii beerista qasabka ayuu ku fekeray in uu dhiso warshad sonkorta soo saarta.

Warshadii sonkorta waxey howl gashay ay soo sartay sonkorta ugu horeysay 1926.

Marka at taarikhdu eheed 1933 Duca waa uu xanuunsaday waxa uuna ku geeriyooday magaagada jowhar waxaana lagu aasay iisla magaalada jowhar qabuuro ayku lahayeen talyaniga .

Shirkada S.A.I.S waxaa majaraha u qabtay oo gudoomiye ka noqday niin kale oo talyaani ah oo la oran jiray AVV. Bruno.

Maka ay taariikhdu eheed 1963 sadax sano kadib markii soomaaliya ay xornimada qaadatay ayaa shrkadi S.A.I.S iyo dowlada soomaaliya hashiis wada galeen ooay shirka ku noqdeen warshada iyo beeraha.

Samiga dowlada waxaa uu ahaa 51% mida shirkada talyaniga 49% labada dhamba waxaa lagu wada heshiiyay in la balaariyo mugga iyo wax soo saarka warshada lana garsiiyo 4000 tan oo sonkor ah sanadki.

Magacii S.A.I.S halkaas ayoow ku haray. Shirkada cusubna waxaa loo baxshay Snai.

Soo saida sonkorta ka sukow warshada waxey soo sari jirtay Alkolo oo laboa nooc ah Buon gusto oo logu tala galay in laga sameeyo khamriga, dawooyinka, barfunka,

Nooca labaad ee alkaholka waxa uu haa Cattivo gusto oo loogu tala galay dhayida iyo khaliinka.labadaas nooc ee alkaholka ah waxaa laga sameyn jiray dheecanka sonkorta ka hra (Malaso) oo dib loo warshadeeyay lagana soo asaro alkaholka.

Alkaholkan waxaa ugu yaraan 90% loo dhoofin jiray dalka fransiiska oo laga iibin jiray inta kala ee so harta wadaanka guda hiisa ayaa lagu istic maali jiray.

Marka ay taarikhdu eheed 1971 waxaa la qarameeyay warshadaha, bankiyada iyo waxii la mid ah.

Warshada sonkorta ee jowhar waxey ka mid eheyd warshadahii la qarameeyay marka ay taarikhdu aheyd 1972 waxaa la aasasay warshada Isnaay Biyaasa oo eheyd warshad soo sarta alaabo kala duwan sida Oomada ,Kabo caag ah ,Kabaha roobka, jiirigaano, Garaafoyin, Barfuuno iyo Catarro kala duwan oo sameyntoda loo isticmaali jiray alkoholka warshada sonkorta..

Shaqaalaha guud ee joogtada ahaa ee isnaay iyo isnaay biyaaso waxey ahayeen 1800kuf.

Shaqaalaha an joogtada eheen eek a shaqeyn jiray iyo beeraha khasabka (seasonal workers) waxey ehayeen 3500kuf shaqaalahaan dambe sanadkii waxey shaqeyn jireen marka lisku daro mudo 8bilood ah.

Jowhar waxaa ay can ku noqotay wax soo saarka Bariiska waana goobta ay ku yaalleen mashaariicdii waaweynaa ee Bariiska sidii kii Baarow weyne .

Magaaladu waxey leedahay 3 suuq oo waaweyn,labo waxaa lagu iibiyaa badeeco kala duwan sida rashinka, bagashka, iyo dharka ,halka kan sadaxaad uu ka ahaa suuqa xoolaha.

Jowhar waxa ay can ku aheyd isboortiga waana magaalada kaliya ee laheyd naadi kubadda cagta oo heerka 1aad ah marka laga reebo caasimadda Muqdisho oo sagaal koox oo heerka 1aad ay ka dhisnaayeen.

Dhanka waxbarashada Jowhar waxa ay ka mid aheyd magaalooyinkii ugu horeeyay ee Ameerikaanku ay ka dhiseen dusiyo waxbarasho oo macallimiin Mareykan ah ay wax ka bari jireen.

Jowhar ma aha magaalo dhismo ahaan qurux badan laakiin dadka ku dhashay waa dad nabadeed oo reer Jowharnimadu ay kala weyn tahay tan qabiilka IWM waxaana taa daliil u ah isku xirnaanta dhalinyarada kuwa Yurub iyo Ameerika jooga ,kuwa Carabaha jooga iyo kuwa dalka jooga .

F.G: Waxaan u mahad celinayaa ustaad Mataaneey Abraa oo gacan ka geystay macluumaadka maqaalkan.

Waxaa qoray Maxamed Ibraahim Macalimuu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip