Xulka England oo 6-1 uga adkaatay Xulka Panama iyo Harry Kane oo sadaxlay dhaliyay.

0
Sunday June 24, 2018 - 20:54:29 in Wararka by
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka England oo 6-1 uga adkaatay Xulka Panama iyo Harry Kane oo sadaxlay dhaliyay.

    Waxaa goordhow soo gabagabooday Ciyaar inta badan lagu kala baxay qaybtii hore oo ay isaga hor yimaadeen xulalka England iyo Panama, iyadoo ciyaartaasi ay ahayd mid Ciyaartoyda England ay soo bandhigeen bandhig wayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhow soo gabagabooday Ciyaar inta badan lagu kala baxay qaybtii hore oo ay isaga hor yimaadeen xulalka England iyo Panama, iyadoo ciyaartaasi ay ahayd mid Ciyaartoyda England ay soo bandhigeen bandhig wayn.

Ciyaarta ayaa qaybtii hore lagu kala nastay 5-0, xilligaas oo ay min laba gool dhaliyeen Stones iyo Kane oo lagu daray gool uu dhaliyay Ciyaaryahan Jesse Lingard.

Harry Kane ayaa wuxuu dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta iyo goolkiisii shanaad ee koobka adduunka isagoo ciyaarta ka dhigay in 6-0 ay hooggaanka ku qabtaan ka hor inta uusan goolka calanka u dhalinin Filipe Baloy xulka Panama.

Dhanka kale Xulka Qaranka ee England ayaa hadda heysta lix dhibcood iyagoo kullankii hore ka soo badiyay xulka qaranka ee dalka Tunisia, balse waxaa lix dhibcood la wadaaga xulka Belgium oo ay wada ciyaari doonaan kullanka 3-aad ee Group-ka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip