Kulan amniga looga hadlay oo dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiiro iyo saraakiil ciidan

0
Sunday June 24, 2018 - 12:55:23 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan amniga looga hadlay oo dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiiro iyo saraakiil ciidan

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay'addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay'addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan muhiim ah oo xarunta Dawladda Hoose ku dhex-maray Maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada iyo Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed uu sababay in kooxaha argagixisada ay ku guul dareysteen falalkoodii waxashnimo ee la beegsan jireen shacabka Caasimadda.

"Shirkani waa mid ay ku kala warqaataan Maamulka Gobolka, Golaha Wasiirrada iyo sara

akiisha amniga, ujeedkiisuna waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, horeyna loo wado shaqada si guul looga gaaro amniga iyo sidoo kale in shacabka loo dhaweeyo dawladnimada, waxaan si gaar ah u xusayaa golaha Wasiirrada horteena fadhiya mid walba waxuu ku qoran yahay degmo kamid ah 17ka degmo ee Caasimadda oo warbixinta xaaladdooda u gudbiyaa Golaha uu ka tirsan yahay.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan oo la xiriiray guulaha laga gaaray dariseynta, isdhexgalka shacabka iyo maamulka, horumarinta kaabayaasha Caasimadda iyo habka ugu habboon ee looga hortagayo dhagarta cadowga laga dhageystay saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana la isla qiray muhiimadda ay dalka u leedahay xasilloonida Caasimadda maadaama dal walba lagu qiimeeyo daganaanshaha Caasimaddiisa.

Kulanka amniga
3of 4
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip