Duqa Magaalada Liverpool Oo Sheegay In Mo Saalax Uu Baabi,Iyay Islaam Naceybkii Ka Jiray Liverpool

0
Sunday June 24, 2018 - 12:40:49 in Wararka by
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Magaalada Liverpool Oo Sheegay In Mo Saalax Uu Baabi,Iyay Islaam Naceybkii Ka Jiray Liverpool

    Duqa magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, Steve Rotheram ayaa waxaa uu sheegay in weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax uu gacan ka geystay yareynta falalka la xiriira Islaam naceybka ee ka dhici jiray magaalada Liverpool. Maxamed Salaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, Steve Rotheram ayaa waxaa uu sheegay in weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax uu gacan ka geystay yareynta falalka la xiriira Islaam naceybka ee ka dhici jiray magaalada Liverpool. Maxamed Salaax oo u dhashay dalka Masar ayaa waxaa uu xili ciyaareedkii dhamaaday kooxdiisa Liverpool u dhaliyay 44 gool, isagoo sidoo kale kooxda Liverpool ka caawiyay inay usoo gudubto ciyaarta kama dambeysta ee horyaalka Yurub.

Duqa Liverpool ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Maxamed Salaax lagu xusuusan doono waxyaabo badan oo ka baxsan kubadda cagta.”Waxay ila tahay in waxa uu sameeyay Mo Salaax ay tahay wixii John Barnes uu u sameeyay bulshada madowga sideetameeyadii” waxaa sidaasi yiri duqa magaalada Liverpool.

Maxamed Salaax ayaa 51 ciyaar oo uu saftay waxaa uu dhaliyay 44 gool, hasayeeshee dhamaadka xili ciyaareedkan ayaa waxaa uu la kulmay niyad jab, kadib markii uu ku dhaawacmay ciyaartii kama dambeysta ee dhexmartay Liverpool iyo Real Madrid.

Kahor inta Salaax uusan usoo wareegin kooxda Liverpool, waxaa la sheegay in magaalada Merseyside ee katirsan Liverpool ay kamid aheyd meelaha ugu badanee ee ay ka dhacaan falalka Islaam naceybka, waxaana muddooyinkii dambe la arkayay taageerayaal badan oo taageeraa Maxamed Salaax oo ku dhawaaqaya ” Waxaan doonayaa inaa Islaam noqdo, oo aan ku daydo Maxamed Salaax”.

Dhanka kale, hogaamiyaha Chechen oo katirsan dalweynaha Ruushka, Ramzan Kadyrov oo Maxamed Salaax kula kulmay Ruushka ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Salaax lagu sharfay dhalashada dalkaasi.

Xigasho BBC Somaalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip