Taageerayaasha Africa Oo Caawa Muhiimad Gaar Ah Siinaya Koobka Adduunka!

0
Sunday June 24, 2018 - 11:54:32 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Africa Oo Caawa Muhiimad Gaar Ah Siinaya Koobka Adduunka!

    Labada kooxood ayaa gacanta ku heysta natiijada ugu sareysa Group H, iyadoo kulankooda caawa uu noqon doono mid lagu ogaado xulka ugu sareeya Group-kaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada kooxood ayaa gacanta ku heysta natiijada ugu sareysa Group H, iyadoo kulankooda caawa uu noqon doono mid lagu ogaado xulka ugu sareeya Group-kaan.

Si kastaba ha ahaatee, guul xul kasta uu gaaraa kulankaan waxay u xaqiijin doontaa marxalada uu ku gaaari karo wareega 16 tartankaan.

Senegal ayaan wali laga badinin wareega group-ka Koobka Adduunka shan jeer oo ay kasoo muuqdeen, waxaana ay doonayaan inay sii wataan rikoorkooda marka ay wajahayaan xulka Japan.

Japan iyo Senegal ayaa kulankooda ugu culus ku dheelaya Ekaterinburg, iyadoo ciyaarta muhiim ay u tahay usoo bixistooda wareega 16ka koobka adduunka ee Russia 2018.

Japan ayaa si aad ah u xiiseyneysa inay sameyso natiijo lamid ah kulankii ugu dambeeyay oo ay 2-1 kaga badiyeen Colombia oo 10 ciyaartooy ku ciyaarayay.

Mcalinka Japan Akira Nishino ayaa helay kalsooni badan, iyadoo Samurai Blue xuka lagu naynaaso ay rajo fiican ka leeyihiin booska Bug baxa.

Dhinaca kale Senegal ayaa si lamid ah guul 2-1 ah ka gaartay Poland kulankii furitaanka Group-kaan.



Xulka qaarada Africa ka socda ayaa si isku mid ah ugu guuleysanayay kulamada wareeega Group-ka tartankaan tan iyo sanadka 2002.

XOGTA KULANKA

Kulanka:Senegal vs Japan

Garoonka:Ekaterinburg Arena

Saacada:6:00 PM

Tartanka:Koobka Adduunka

MAXAA CUSUB?

Yuya Osako oo ah weeraryahanka Japan ayaa ahaa mid weerarka ka ciyaarayay kulankii Colombia, waxaana goolka guusha uu u dhaliyay xulkiisa qeybta dambe.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa rigoore u dhaliyay xulka Japan ciyaaryahankii hore ee Manchester United Shinji Kagawa, kaasoo markale wajihi doona xulka qaranka Senegal.

Senegal ayaa ku guuleysatay kulankii ugu horeeyay koobka adduunka 2018, iyadoo M’Baye Niang iyo ciyaaaryahanka khadka dhaxe ee Everton’s Idrissa Gueye ay noqdeen hogaamiyaaasha xulka.

Sadio Mane oo qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay kulankii Poland ayaa diyaar u ah inuu wajaho xulka Japan caawa.

XAQIIQADA KULANKA

Guul ay ka garaan Japan ayaa ka dhigi doonta Japan xulkii ugu horeyay ee Aasiya kasocda ee ku guuleysata labada kulan ee furitaanka Koobka Adduunka.

Markii ugu fiicneyd Japan waxay garaaceen xulalka Ruushka iyo Tunisia ciyaarahoodii labaad iyo seddexaad ee Group-ka sannadkii 2002.

Japan ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee Koobka Adduunka ay la ciyaareen xulalka ka socda qaarada Afrika.

Japan ayaa 377 baasas sameysay qeybtii dambe ee kulankii Colombia, waana in kabadan 218 oo ay sameyeen qeybtii hore.

SAFAFKA LABADA XUL

Japan:Eiji Kawashima; Hiroki Sakai, Maya Yoshida, Gen Shoji, Yuto Nagatomo; Makoto Hasebe, Gaku Shibasaki, Genki Haraguchi, Shinji Kagawa, Takashi Inui; Yuya Osako.

Senegal:Khadim Ndiaye; Moussa Wague, Salif Sane, Kalidou Koulibaly, Lamine Gassama; Ismaila Sarr, Alfred Ndiaye, Idrissa Gane Gueye, Sadio Mane; Mame Diouf, Mbaye Niang.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip