WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Tuesday December 29, 2015 - 19:16:31 in Wararka by
  • Visits: 2305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29-KA DICEMBAR 2015-KA

    XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO SHALAY MEELMARIYAY SHARCIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO SHALAY MEELMARIYAY SHARCIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYA


 



            Xildhibaannada baarlamaanka Soomaliya ayaa shalay meelmariyay Sharciga Saxaafadda Dalka, ka dib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, iyadoo sharcigan muddo ay xildhibaannadu ka doodayeen.

            Kulankii baarlamaaka ee shalay oo ay goobjoog ka ahaayeen 142 xildhibaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo meelmarin lahaa sharciga lagu dhaqi doono saxaafadda Soomaaliya.

            Dood ka dib ayay xildhibaannada baarlmaaanku waxay codka taag ahaa u qaadeen meelma riyay sharciga saxaafadda dalka, iyadoo ay ogolaadeen 139-xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen sad dex xildhibaan, iyadoo aysan jirin xildhibaanno, sida uu codeynta ka dib ku dhawaaqay guddoomiy aha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar.

            "Codka loo qaaday sharciga Saxaafadda dalka natiijadiisu waxay noqotay, 139-xildhibaan oo oggolaaday iyo saddex xildhibaan oo ka aamusay, mana jirin xidlhibaanno diiday, sidaa daraadeed sharcigan waa mid ansax ah,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo natiijada shaacinayay.

            Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen sharciga saxaafadda dalka.

            Ugu dabmeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mas’uuliyiinta wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ku boorriyay inay dhaqangeliyaan sharciga saxa afadda dalka.

            Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo saxaafadda Soomaaliya ay yeelato Sharci lagu maamulo, iyadoo horay aysan u jirin sharci haga Saxaafadda Soomaaliya ka Hawlgasha Soomaaliya.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO KORMEERAY XARUNTA LAGU QABANAAYO SHIRKA MAGAALADA JOWHAR.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wefdigii uu hogaaminaa yay ee shalay gaaray Magaalada Jowhar, ayaa soo kormeer ay xarunta lagu qabanaayo shirka iyo dhisme kale, oo loogu tallagalay in la dejiyo ergada Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

   M/ Jowhar waxaa lagu wadaa inay martigeliso Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, iyadoona 7baady ada soo socdo lagu wado in si rasmi ihi uu kaga furmo. Ergada 2da gobol ayaa qaarkood bilaabay inay gaaraan Magaaladaasi.

    G/M/G/Sh/Dhexe, Cali Guudlaawe, ayaa wefdiga Wasiirka soo tusiyay xarunta lagu wado in shirka uu ka qabsoomo iyo dhismaha kale ee loogu talla galay in ergada la dejiyo.

     Wasiir Odawaa waxaa kormeerkiisaan ku wehlinaayay wefdig iisa oo kala ah, Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Kalluumeys iga & Kheyraadka, Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtoo yada iyo Xildhibaanno ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.Gaba gabadii kormeerkan, ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiir Odawaa oo ku dhawaaqay in M/Jowhar, ay diy aar u tahay martigelinta Shirka Maamul U Samaynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wasiir odawaa, ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku wargeliyay inay xil iska saaraan amniga M/Jowhar, isla markaana ay qaadi doonaan masuuliyadda ammaanka Magaalada. Ciidamada Dowl adda Soomaaliya iyo Amisom, ayaa waxay adkeeyeen ammaanka Xarunta Gobolka Sh/Dhexe, maadaama ay diyaargarow ugu jirto martigelinta shirka lagu wado in Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu soo dhiso.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO HESHIIS LA GASHAY SHIRKAD CAALAMI AH

            Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay Shirkad ka shaqeysa la talinta dhanka Qay bsiga Kheyraadka, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Macdanta iyo Ba troolka Xukuumadda Somaliya.

            Heshiiskaan ayeey Dowladda Federalka Somaliya la gashay Shirkadda IMMMA Advocates,  taasi oo qaabilsan kala talinta sharciyada ku aadan Kheyraadka ama wax soo saar qeybsi u dhaxe eya Dowladda iyo Shirkadaha kale.

            Shirkadan Dowladda ay heshiiska la gashay ayaa laga dhex doortay Shan Shirkadood oo u soo tartamay booskaan, kadib markii laga dhex xushay Shirkadan IMMMA Advocates.

            Soomaaliya waxaa arrintaas xulashada dowladda gacan ku siiyay African Legal Support Faci lity (ALSF) oo ah laan ka tirsan African Development Bank oo muhiimadeedu tahay in dalalka Afrika ku gacansiiyaan wixii talo iyo tusaale ah oo arrimhan Wax soo saar qeybsi la xiriira.

            Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Batroolka Dowladda Somaliya ayaa lagu sheegay in Shir kada IMMMA Advocates ay ku guuleysatay Heshiiskaan, kadib markii laga helay Dhamaan Shuruud ihii laga doonaayay.

            Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya ayaa tilmaamay in heshiiskaasi uu ku cadaanayo waxa ay leedahay Dowladda Somaliya iyo Shirkada qaabilsan Baaritaanka Shidaalka dalka Soma liya.

ENG SAALAX SHIIKH CISMAAN " DHISMAHA WASAARADDA WAXAA KU WADNAA SI ISKAA WAX U QABSO AH"

            "Waa u jeedaan sida uu Dayactirka ugu socdo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wakaaladda Hindisha Soomaaliyeed,, Howshana waa mid iskaa wax u qabso ah" sidaa waxaa yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyeynta oo Shir Jaraa'id ku qabtey Wasaaraddiisa ee uu Dhismaha uu ka socdey waxaa uu sii raaciey "Waxaan halkaa uga mahad celinayaa Shirkadaha iyo dadka kale ee Gacanta nagu siiyey Dhismaha Wasaaradda, waxaana u soo jeedinayaa Wasaaradaha kale in ay ku daydaan Wasaaradeenna si loo dhameystiro Dhammaan Wasaaradaha kale ee iyana u baahan in dib loo howl geliyo” waxaa uu intaa ku darey.

            "Dhaqaalaha ay noo keenaan Dowladaha caalamka, waxay ka soo uruurriyeen dadka sidiina oo kale marka maxaa naga hortaagan in aan dib u dhisano dhammaan Goobaha Danta guud si aan u gaarno Horumar Dhinac waliba leh ”.

            "Haddii aan u shaqeyno si wadajir ah oo ay ku jirto ruux wadaniyadeed, ujeedka aan iskaa wax u qabso ugu dhiseyno Wsaaradda waa in aan ka maar anaa gacan shisheeye islamarkaa ay nagu deydaan Wasaaradaha kale si ay ugu dhiirradaan in ay dib u dhistaan goobahooda” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

            Waxaa la arkayey Wasiirka oo Muruqmaalka dhisaya Wasaaraddiisa isagana dhankisa howsha ka wadey waxayna is waydaarsanayeen hal ku dhigii ahaa " Anna Dhagaxa adna Dhoobada ,dhisi weeyee kii ka dhuuntoow dhibka diidoow dhaxal kuma lihid" waxaana Wsiirka hareer tagnaa Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha kuwaa oo ku faraxsanaaa sida Wasiirka ay uga go’antahay Dhismaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

            Wasiirka ayaa sidoo kale Shirkaas Jaraaid kaga hadley kulan uu Magaalada Qaahira kaga qayb galey Wasiirrada Howlaha Guud ee Waddammada Carabta isagoo sheegey in Shirkaas Soomaaliya looga ballan qaadey Dib u dhiska Dalka Soomaaliya ka dib markii la ogaadey in soomaaliya ay ka soo kabaneyso Dagaalladdii sokeeyey ee dalka soo marey.

            Intii ay socotey Howsha Dhismaha Wasaaradda waxaa soo gaarey Masuul ka socdey Shirkad laga leeyahay Waddanka Turkiga wuxuuna halkaa ka ballan qaadey in Shirkadidisa ay dhiseyso ama Dayactireyso qaybo ka mid ah Wasaaradda taasoo uu si weyn u soo dhaweeyey Wasiirka isagoo mar kale ugu baaqey Ganacsatada iyo Shirkadaha kale in ay ka qayb qaataan dhameystirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wakaaladdii Hindisaha Soomaaliyeed.

wasiirka ayaa ah  mid  si weyn ugu hadlay horumarka dalka isagoo marar badan ka hadlayey xaflado sheegayana in dadka si isku duubni ah dalka wax looga qabto waana wasiirada fara ku tiriska ah ee howlaha dalka si weyn uga dhex muuqda waliba isagoo isku kalsoon oo howlihiisa dhabarka u xirto dalka kii wax tara taariikhdaa xusi doonta,

MUNAASABAD LAGU XUSAY DHALASHADII NEBIGEENNA (CSW) OO LAGU QABTAY JOHANNESBURG

            Munaasabad lagu Xusayay Dhalashadii Nebigeenna Muxamed (NNKH) ayaa Xalay lagu qab tay Xaafadda Mayfair oo ay ka dagto Soomaalidu Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

            Xuska oo si wadajir ah ay u soo qaban qaabiyay daladda culumada Ahlusunna waljamaaca iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ee (Somali community board) ayaa waxaa ka qaybgalay culummaa'uddiin, aqoonyahanno, dhallinyaro, waxgarad, haween iyo qaybaha bulshada ee ku nool dalka Koonfur Afrika iyo sido kale culummaa’uddiin u dhashay qomiyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalkaas.

            Culumada ayaa ka hor munaasabada waxay socod kusoo mareeen waddooyinka magaalada Johannesburg, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku nooshahay ee Mayfair, iyagoo kor u qaa daya; isla markaane weyneynayay dhalashada Nebigeenna (NNKH); waxaana amaanka sugayay ciidammo ka tirsan booliiska Koonfur Afrika.

            Munaaabadda ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah culummadii ka qaybgalay; waxayna goo bta ka jeediyeen khudbadahii ay ugu talogaleen munaasabada iyo dadweynahii goobjoogga ka ah aa, iyagoo diiradda ku saarayay muhiimadda ay leedahay xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH); Waxaana dadweynihii goobjoogga ka ahaa Munsaaabadda ay culummadii weydiiyeen su’aalo kala duwa oo ay culummaduna uga jawaabeen.

            Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Afrika Caamri Sheekh oo isagana ka hadlay xuska loo sameeynayay dhalashada Nebiga (CSW) ayaa ku sheegay inay sharaf weyn u tahay in jaaliyad intaan la’eg ay u soo baxaan xuska dhalashada Nebigeenna NNKH, isagoo ka hadlay taariikhda iyo muhiimada ay leedahay in maalintan la weyneeyo lana muujiyo shucuurta muslimiinta; wuxuuna dhanka kale xusay inay qomiyadaha kale ee Koonfur Afrika u dhashay ee ka soo qaybgalay xuska dhashada Nabigeena (NNKH) ay aad ugu faraxsan yihiin.

            Ugu dambeyn, Munaasabaddaan kuwo la mid ah ayaa lagu wadaa in Maalimaha soo socda ay ka dhaco magaalada Rustenburg oo Soomaali aad u fara badani ku nool yihiin; waxaana xusid mudan in qowmiyadaha kale ee u dhashay Koonfur Afrika ay iyagana dhankooda ka dhigayaan munaasabado lagu xusayo dhalashada Nebi Muxamed (NNKH).

TALIYAHA CIIDANKA ASLUUBTA OO KA HADLAY SHIR MUHIIM AH OO AUSTRIA LAGU QABTAY

            Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay shirar heer caalami ah oo uu dalka dibadiisa uga qeyb galay.

            Taliyaha ayaa markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay taliye kuxigeenka ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Cabdkariin Cali Afrax iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Asluubta.

            Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dalka Austria uu uga qeybgalay shir looga hadlayay  horumarinta xabsiyada iyo xagjirnimada ayna ka soo qeyb galeen Wakiilo ka socday  beesha caalamka.

            "Shirka waxaan ka jeediyay xaaladda ay ku suganyihiin xabsiyada Soomaalida, caqabadaha naga heysta xagga qalabka, baahida aan u qabno in aan helno tababbaro iyo nagala saacido sida maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay beri ku shaqeysan karaan, waxana rajeyneynaa inay wax wanaagsan nooga soo baxaan” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir.

            Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xusay intii uu ku sugnaa dalka Austria uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka oo uu kala hadlay sidii ay tababbaro u siin lahaayeen ciidanka Asluubta, maadaama ay kolkii hore ay gacan ka geysan jireen caawinta ciidanka Asluubta, isagoo intaa ku daray in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay wakiilada dowladihii shirka ka qeyb galay.

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMAALIYA OO KA HADLAY KHILAAFKA SIYAASADEED EE KA TAAGAN GOBOLKA BAKOOL

            Markii ugu horeysay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Bakool, kadib markii halkaasi Jimcihii la soo dhaafay looga dhawaaqay Maamul ka madaxbanaan Koonfur Galbeed.

            C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa wuxuu sheegay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya inay ka warqabto Khilaafka Siyaasadeed ee Gobolka Bakool ka taagan, kaasi oo salka ku haayo dad wax ka tabanaya Maamulka Koonfur Galbeed.

            Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ayuu sheegay in la soo gaarsiiyay dacwad la xiriirta Khilaafka taagan, waxaana uu sheegay madaxda Mamulka Koonfur Galbeed inay kala hadleen arintaasi.

            "Arrinta ka taagan Bakool iyo Koonfur Galbeed warbixinteeda waan haynaa, dad dacwo qaba dabcan maamul gobaleed walba markii la dhisayo wey jiraan, madaxda Koonfur Galbeed annaga oo wasaaradda arrimaha gudaha ah waan kala hadalnay dacwadda ay dadkaasi qabaan, waana rajeyneynaa in la xalliyo khilaafkooda oo dadkaasi dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed bay ka tirsan yihiin xaqoodana in la ilaaliyo waa mas’uuliyad Federaalka iyo dowlad gobaleedkaba saaran, waana ku dadaaleynaa hadii uu Alle Idmo.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo la hadlay Idaacada VOA.

            Maamulka Bakool Sare ee Degmada Ceelbarde looga dhawaaqay waxaa abaabulkiisa lahaa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin deegaankaasi ka soo jeeda oo ku qanci waayay sadkii ay ka heleen Maamulka Koonfur Galbeed.

            Ilaa hada Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed kama aysan hadlin Khilaafkaan Siyaasadeed ee ka taagan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool oo Maamul ka madaxbanaan Maamulkooda looga dhawaaqay.

FARMAAJO OO MAGAALADA HOUSTON KAGA QAYBGALAY BARNAAMIJKA QAARAAN QARAN..

            Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada Houston, Taxes ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, ahna gudoomiyaha Xisbiga Tayo, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

            Mudane Farmaajo ayaa jaaliyadda Houston kala qaybgalay barnaamij loogu magacdaray Qaaraan Qaran oo ah qorshe lagu taageerayo Xisbiga Tayo, iyadoo goobtaas ay goobjoog ahaayeen in ka badan 1,000 oo si weyn u buuxdhaafiyay madasha ay xafladdu ka dhacday; iyadoo dadka barnaamijkan kasoo qaybgalay ay isugu jireen; culummo, waxgarad, arday, haweenka, dhallinyarada,iyo weliba macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha gobolka Taxes.

            Barnaamijka Qaaraan Qaran ayaa ah qorshe loogu talogalay in lagu badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed si loo helo dowlad caadil ah oo ay dhisteen shacabka Soomaaliyeed oo 25kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray burbur iyo dowlad la’aan, wuxuuna qorshahani ka billowday magaalada Minneapolis; wuxuuna ku faafay gobollada Maraykanka iyo wadamada ay ku nool yihiin Soomaalida iyadoo dalkii ugu dambeeyay ee lagu qabto Qaaraan Qaran uu ahaa dalka Koonfur Afrika.

            Prof. Warsame Xasan Cali oo ka mid ahaa qabanqaabiyaasha xafladda ayaa yiri. "In la raadiyo Qaaraan Qaran ayaa xalku ku jiraa; 10ka doollar meesha kugu dhaw ku rid bishii. Qaaraan Qaran waxaa u aragnaa xalka keliya ee loogu bixi karo dhibaatada iminka jirta.” Iyadoo Prof. Warsame uu dadka Soomaaliyeed ku boorriyay inaysan xal ahayn dowlad ay inoo dhisaan dowlado kale oo danno gaar ah ka leh Somalia.

            Sidoo kale, Cumar Cismaan oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaali Bantu ee gobolka Taxes ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo maamul wanaagga, oo uu ku sheegay haddii la helo in Somalia ay dib ugu soo laaban doonto sidii hore iyo si ka wanaagsan. Wuxuuna qiray in Farmaajo muddadii uu xilka hayay uu bulshada Soomaaliyeed tusay dowladwanaag ku dhisan; Sinnaan iyo Cadaalad.

            Waxaa kaloo isna goobta ka hadlay Xaaji Siidow oo ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Houston, isagoo carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la taageero Xisbiga Tayo si loo helo cadaalad iyo sinnaan; isagoo tusaale u soo qaatay muddadii uu Farmaajo RWha ka ahaa Somalia, isagoo muddadaas yar ku kasbaday quluubta shacabka Soomaaliyeed.

            Ugu dambeyn, waxaa xafladda soo xiray RW hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha xisbiga Tayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu horreyn wuxuu u mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee kulanka kasoo qaybgalay. Isagoo intaas kaddib sheegay inuu doonayo bulsho wadasiman; kuwaasoo hela maamulwanaag ku salaysan dowlad cadaalad ah oo dhawrta xaqa shacabka.

            "Ruux xun isma qariyo… wuxuuna qofkaas noqdaa mid fashilma oo aan aamin ahayn ama qof Alle saacida oo Alle magac u samaynaya oo ummadda xushmad ka hela. Wuxuuna qofkaasi leeyahay astaamahan; kow waa qof ammaanada ku fiican oo inta gaaban oo uu shaqada hayo si wanaagsan u gudanaya, Laba, waa qof cadaalad ku dhaqa dadka uu maamulayo, naxariisna u muujiya shacabkiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay RW hore ee Somalia Farmaajo.

MADAXWEYNAHA TURKIGA OO UGA BAAQAY DUNIDA MUSLIMKA AH IN AY U MIDOOBAAN DAGAALKA KA DHANKA AH ARGAGIXISADA..

            IStanbul:Madaxwynaha dalka Turkiga Rajeb Dayid Erdogan ayaa uga baaqay dunida Muslimka ah in ay u midoobaaan dagaalka lagula jiro argagixisada.

            "Muslim ahaan, Waxaa inoo yaala howl muhiim ah inaan barbar istaagno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida Daacish, Alqacida, Boko Xaram iyo AlShabaab kuwaasi oo waxyeelada uga weyn u gaysanaya Muslimiinta iyaga oo adeegsanaya magaca Islamka”  sidaas waxaa yiri Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayey munasabad ka dhacday Istanbul daraad.

            Madaxweynaha ayaa yiri "Muslimiinta waa in ay doorweyn oo muhiim ah ka ciyaaraan difaaca diintooda oo uu sheegay in si xun loo adeegsanayo, haddii aan Muslimiinta waxba ka qaban oo ah iney ka hortagaan ururada argagixisada dhamaan faragelinta saamaynta ku leh diinteena waa ay soconaysaa ayuu ku daray hadalkiisa”.

            Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale aad u weeraray siyaasadda dawlada Ruska oo iyada qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ku xooggan dalalka Syria iyo Ciraaaq, si gaar ah joogitaan Ruushka ee dalka Syriya, waxaana labadan dowladood weli ka dhex taagan khilaaf ka dhashy diyaarad dagaal oo uu  Ruushka lahaa ou uu Turkiga soo riday bishii hore.

            Waxaana hadalka Madaxweyne Erdogan uu imaanayaa xilli sannadkan 2015 ee dhamaanaya oo kaliya ay ururada agagixisada Daacish, Boko Xaram iyo AlShabaab ay gaysteen dilal kumanaan kun oo badankood ah Shacab muslimiin ah oo waxba galabsan, balse lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan dunida Muslimka ee uu baaqa u diray, madaxweynaha Turkiga

            Inkasta oo 34 dal oo ay Sacuudiga horumuud u tahay ay sheegeen horaantii bishan in ay yeesheen isbahaysi la dagaalamaya  kooxaha argagixisada.

WAQTIGA LA QABANAYO SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SHABEELAHA DHEXE OO LA SHAACIYAY

            Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Jowhar Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa ayaa waxa uu ku dhawaaqay waqtiga sida rasmiga ah uu u furmayo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

            Mr Odawaa ayaa tibaaxay in 21 Bisha February ee 2016 ay noqon doonto maalinta uu si rasmi ah u furmayo shirkaas hadda allaha awooda leh uu ka raali noqdo.

            Wasiirka ayaa ku booriyay masuuliyiinta, waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in ay hanaan cadaalad ah u maraan dhismaha maamulkani islamarkaana doorasho xalaal ah uu ku soo baxo hoggaanka maamulkani.

            Shalay ayaa waxaa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo qiimeyn ku soo sameynaya madasha shirka ee Jowhar.

 

DIBADBAXYO RABSHADO WATA OO KA DHACAY MAGAALADA MANDHEERA

            Dibadbaxyo rabshado wata ayaa lagu soo waramayaa iney shalay ka billowdeen magaalada Mandera ee gobolka waqooyibari Kenya,  kaddib markii ciidanka milateriga Kenya ay rasaas oodda uga qaadeen dad saarnaa gaari shibil ah, iyagoo dilay labo qof, shan kalena dhaawacay.

            Dibadbaxayaasha ayaa socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaasi iyagoo ku qeylinayay hadallo ka dhanka falka ay ciidamada Kenya ku dileen dadka rayidka ah.

            Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in dadka la dilay looga shakiyay inay ka tirsanaayeen AlShabaab, balse waxaa hadalkaasi beeniyay guddoomiyaha degmadaasi Cali Roba, oo sheegay in dhibbanayaasha ay ahaayeen rakaab caadi ah, isla markaana aanay jirin wax caddayn ah oo la xiriira inay walxo qarxa ku wateen gaariga.

            Gudoomoyaha degmada Mandheera Cali Roba ayaa sheegay inuu tagay goobta falku ka dhacay, wuxuuna sheegay inuusan walxo qarxa ku arkin gaariga, isagoo ciidamada ku eedeeyay iney si ula kac ah u dileen dadkaasi rayidka ah.

            Milateriga Kenya ayaa sheegay gaarigaasi ay saarnaayeen walxo qarxa balse dadweynaha eer Mandheera oo dareenkooda ku muujiyay dibadbaxaasi ayaa si kulul u beeniyay halka ka soo yeeray booliiska Kenya.

KENYA OO SHEEGTAY IN AY BILAAWDEEN HOWLGALLO AL-SHABAAB LOOGA SAARAYO XADKA KENYA IYO SOOMAALIYA.

            Dowladda Kenya ayaa xustay in ay qaadayso howlgalo balaaran oo ay ku dooneyso in dagaalyahanada Al Shabaab ay kaga saarto xadka ay wadagaan dalalka Kenya iyo Somalia halkaaso la sheegay in ay weeraro ka fuliyaan xarakada Al Shabaab.

            Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in Al Shabaabta ay taageerto Al Qaacida iyo waliba garabka kale ee ku biiray Daacish iyagoo weeraro uu dhiig badan ku daatay ka fuliyay gudaha dalkaasi .

            Dowladda ayaa sheegtay in ilaa iyo 3 weerar oo isku dhawaa ay Al Shabaab ka sameeyeen gudaha dalkaasi halkaasoo ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 8 qof oo 4 ka mid ahaa ay ahaayeen saraakiil ka tirsanaa ciidamada dalkaasi.

            Gudoomiyaha degmada mandera Fredrick shisia ayaa sheegay in Al Shabaab ay soo cusboonaysiiyeen weerarada argagixiso ee ay ka fuliyaan qaybo ka mid ah xadka labada dal  gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

            Cali Roba oo ah barasaabka Mandera ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka cusub ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada Milateriga iyo kuwo Booliiska ee Kenya isagoo sheegay in ay si gaar ah ay ugu howl gali doonaan xadka labada dal si loo yareeyo weerarada Al Shabaab ay ku soo qaadaan gudaha Kenya.

            Al Shabaab ayaa labadii todobaad ee la soo dhaaafay gudaha Kenya ka sameysay weeraro dhowr ah oo gaystay Khasaarooyin iyadoo saraakiisha gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ay hoosta ka xariiqeen in heerka weerar ee Al Shabaab ay ka sameeyeen Kenya ay tahay mid Qatar weyn ku ah guud ahaan ammaanka dalkaasi.

GACANYARIHII GAARKA AHAA EE USAMA BIN LADEN OO KU GEERIYOODAY ISBITAAL KU YAALLA DALKA YEMEN

            Gacanyarihii iyo waardiyihii Osama Bin Laden oo la oran jiray, Nasser alBahri ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Yemen, kaddib muddo dheer oo uu xanuunsanaa, Sida ay Warbaahinta u sheegeen howlwadeeno ka tirsan waaxda caafimaadka dalka Yemen.

            Hawlwadeenadan ayaa sheegay in Nasser alBahri oo Yemeni ah uu dhintay Sabtidii lasoo dhaafay, isagoo ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada Mukalah oo ku taalla Koonfurta dalka Yemen, waxaana la rumaysan yahay inuu afartameeyo sano jiray.

            Waxaa la sheegay in Nasser alBahri uu ku lug lahaa weeraro ay kooxo islaamiyiinta ah ka fuliyeen dalalka Bosnia, Somalia iyo Afghanistan, sannadihii sagaashameedyadii, laakiinse markii dambe wuu ka haray afkaarta shabakadda AlQaacida.

            AlBahri oo sidoo kale loo yaqaanay Abujandal, ayaa ahaa darawalkii iyo ilaaladii gaarka ahaa ee hoggaamiyihii hore ee Ururka AlQaacida intii uu ku sugnaa Afgaanistaan, isagoo sidoo kale ahaa gacanyarihii Bin Laden.     Sidoo kale, AlBahri ayaa sannadkii 2008dii laga sii daayay xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanka, isagoo lagu soo celiyay dalka Yemen oo uu wixii ka dambeeyay xilligaas ku noolaa.Ugu dambeyn, Bin Laden ayaa waxay ciidamada gaarka ah ee dalka Maraykanka ku dileen Pakistan, kaddib markii la weerar lagu qaaday guri uu ka deggenaa magaalada Abbottabad bishii May ee sannadkii 2011kii.

FILIMSAMEEYE CAAN KU AHAA FILIMADDA KA DHANKA AH DAACISH OO LA DILAY.

            Naaji Jeref oo u dhashay dalka Syria ayaa lagu dilay Degmadda Gaziyaantep ee dalka Turkiga, una xuduudka dalka Syria.

            Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay inay dilkiisa u adeegsadeen qoriga ay ka dhacaan rasaasta aan shanqartooda la maqlin.

            Baaritaan ayey Hay’adaha Ammaanka Turkiga bilaabeen, iyadoo Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ ku baaqday in kooxihii dilay Naaji Jeref la hor keeno Sharciga.

            Filimsameeyaha la dilay waxa uu ahaa 38 jir leh 2 carruur, kana soo jeeda Degmadda Alsalaamiyah ee Galbeedka Syria.

GUDDOOMIYAHA MANDERA: "KIISKA AY MILLITERIGA KU DILEEN DADKA RAYIDKA, WAA MID U BAAHAN BAARITAAN”.

            Guddoomiyaha Mandera, Ali Roba ayaa ka hadlay dadka rayidka ahaa ee ay Ciiddanka Kenya ku dileen Mandera, wuxuuna sheegay inay dadkaasi ahaayeen dad rayid ah.

            Isagoo Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Daily Nation waxa uu tilmaamay inaysan haba yaraatee jirin caddaymo muujinya inuu gaarigu qarax saarnaa.

            "Milliteriga waxay sheegeen inuu qarax saarnaa gaariga, laakiin dadweynuhu wey beeniyeen arrintaas. Waan tegay goobta, iyadoo marka dusha la eego gaariga kuma jiraan wax qaraxyo ah. Kiiska waxa uu u baahan yahay in la baaro” ayuu yiri Ali Roba.

            Dhinaca kale, Milliteriga dalka Kenya waxay horey u sheegeen inaysan iyagu tooganin labada qof ee barqanimaddii shalay lagu dhex dilay Mandera.

            Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Ciiddanka toogashadaasi geysteen 11:00 barqanimo ee shalay, iyagoo dilay labo qof oo gaari saarnaa, isla markaana dhaawacay 3 kale oo iyagu jidka marayey.

            Taliyaha Mandera, Fredrick Shisia ayaa isagu sheegay inay Ciiddanka toogteen rayidkaasi, kadib, markii uu Dareewalku ka dhega adeegay amar lagu siiyey inuu joojiyo gaariga.

            "Waxaa Ciiddanka loo soo sheegay inuu gaarigu qarax saaran yahay, waan baari doonaa halka ay ku sii jeedeen” ayuu yiri Fredrick Shisia.

            Askariga toogashada geystay ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey inuu qarax saaran yahay gaariga ay dadka rayidka wateen oo noociisu ahaa Toyota Probox, taasina ay keentay inuu toogto dadkii saarnaa gaariga, kadib, markii ay diideen inay joojiyaan gaarigooda.

BURBURKA BANAADIR IYO POINT 5

     Burburka Banaadir waa bilawga buburka dalka. Dadka maqa amka gobolka Banadir u doodaya weli ma dareensana burburka ku soo fool leh, waxayna xooga saareen aayaha maamulka laga dhisi doono gobolka marka la gaaro xilliga dhaqan gelinta maamul goboleedyada had da la wado, waana tallaabooyin horseedi doona baaba' , barakac iyo burbur ka baax ad weyn, kana balaayo badan kii la soo maray. Waana arrin inta wax garata ay dar eemeen, dadka qaarna ay si kooban uga hadleen Waa nasiib darro aad u weyn in Sharif Xasan u soo magacaabo guddoom iye degmo Ceelasha biyaha iyo xaafadda Jasiira ee ku dheggan degmada Wadajir. Wuxuu u ballanqaaday Hailemariam inuu ciidamada Ethiopia ka siin doono saldhig deg mada Wadajir si ay u” daafacaan dowladda Koofur Galbeed” ee uu madaxweynaha ka yahay.

       Haddii la waayo in dib loo howlgeliyo xuduudihii ExBana adir oo ka koobnaa Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan ku tali lah aa in xadka shabeellaha dhexe uu la leeyahay Xamar uusan noq on tan hadda socota oo ah CeelCirfiid & CeelMacaan oo ku ya alla bartamaha Muqdisho. Meeshaas waxaa la gala bixi karaa in Banaadir burbur qorsheysan loo maleegayo, dadka degganna ay san weli dareemin waxa ku soo socda, waxayna ku mashquul san yihiin sidey uga heli lahaayeen boosas maamul goboleedka ”nuska ah” la dhisi doono, welina ma cada shuruudaha la adee gsan doono iyo meelaha loo mari doono, waa haddii Banaadir xisaabta ku jirto.

     Haddaba, yaa laga sugayaa inuu badbaadiyo xuduudaha Ban aadir? Maanta waxaa loo bahan yahay in la helo halyey u doodi kara, soona dhicin kara xuquuqda ay leyihiin dadka Xamar deg gan oo nidaam kasta oo dalkaan soo maray ku dulmanaayeen weligood. Magaalada Xamar waa inay yeelataa xuduud laga daa fici karo haddii la soo qado duulaan ka duwan kan hadda socda oo ah mid militari…sida loo daafici karana waxaa ugu horreysa inay soohdinta ka soo billabataa, ugu yaraan, qiyaasti 100 km oo dhinca walba ah.

     Dhinaca woqooyi laga soo billaabo Cadale iyo Gololey ama Jowhar agtiisa, koofurna ilaa Kabtan Laas oo ah jidka u leexda Qoryooley kaasoo kala bara Sh/Hoose..dhinaca kalena waa in soohdinta ay ahaataa Ballidoogle iyo ka sii xagga, si ay difaacid da u fududaato. Xasuuso inaan marna la aqbali karin in xadka Xamar uu naqdo sida ay rabaan cadawga caasimadda waana in uusan marna ka yaraan, wax kasta oo dhaca, inta kor ku xusan.

      Ma laga yaabaa in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yusuf Madaale uu dareensan yahay khatarta ku soo socota gobolka Banaadir oo diyaar ma u yahay inuu soo celsho maqaamki, sooh dimihi iyo sharafti Xamar isagoon cidna u daba fadhiisan ama ka sugin inay go’aan ka gaarto. Waxaan aaminsanahay inay shaq adiisa ka mid tahay ilaalinta xuduuda Banaadir ee uusan cidna u ga baahneyn in la faro ama la dareensiiyo qayb ka mida howshi isa (part of his job description)…haddii aysan tafaashiisa shaq adiisa ku xusneyna waxaa la soo gaaray xilligii lagu deri lahaa, khaladka jirana la sixi lahaa, ee diyaar ma u yahay inuu tadxiya sameeyo?!!

   Arrinta Somaliya maanta waxay mareysaa in dad ay sheegta an dhul aysan lahayn ay weliba xoog ku qabsadaan, magacyo u bixiyaan, maqaam uusan lahayna u raadiyaan, dadna dhulkoodi, sidi reer ExBanddir, ayaa la kala googoosanayaa, waxay arrintu taagan tahay (KALA BOOBOOBA BAAL II REEBA)..cidna uma maqna ceelna uma qodna…Banaadirey yaa ku leh?!!!

      Dadka u dhashay Banaadir oo dhasn waa inay billaabaan wa xa loo yaqaano”lobying” oo ah xodxodasho lagu soo xero gelih ayo labada Shabeelle si ay uga badbaadaan balaayada soo soc ota oo meel dhaq soo joogta.Maqaamka Banaadir waa 5.5 ka dib markii ay hirgaleen shanti dowlad goboleed oo wata madax weynayaashi ay doorteen ama loo dooray kuwaasoo maanta qa yb ka ah dowr iyo kaalin fiicanna la filaayo inay ka cayaaraan, tal ana ka bixiyaan, mustaqbalka Somaliya. Banaadir waxay ka he shay nuska soo haray, mana jirto cid ka tala gelineysa musta qbalka doorashooyinka dalka.

NIDAAMKA 4.5

     Maamul gtoboleedyada Puntland & Jubbaland oo ah kuwa aadka uga soo horjeeda nidaamka 4.5 waxay illawsan yihiin in barlamaankakusheega ka jira gobolladaas uu ku saleysan ya hay 4.5 oo ah midka kaliya ee maanta ummadaan lagu maamuli k ro. Micnaha POINT 5 ma mahan quursi ama liidid qayb ka mi da bulshada,waxaana lagu saleeyay tirada jufooyinka dalku u qaybsan yahay. Sababta ay Puntland ugu dhegan tahay NIDA AM DEGMOOYIN waa iyagoo ku tashanaaya degmooyin laga guuray laba qarni ka hor inay tiro xildhibaana ah ku helaan. Dhin aca Jubbaland Axmad Madoobe u maleyn maayo inuu kala yaqa ano degmooyinka ay ka kooban Jubbada Hoose wuxuuna adee gsaday halkudheggi reer Bay oo ahaa INTEE IN JEEDE KIILA JIRAAY. Sababta uu C/weli Gaas ula saftayna waa mid ku sale ysan isjufeysi…waxaysan ogeyn in jufooyinku ay yihiin AFAR, iy aguna ay mathalaan hal jufo oo tiro ahaan laga badan yah ay…waxaana la raacayaa nidaamka ay isku raacaan ama ay do ortaan jufooyinka kale oo tiro ahaan aad iyo aad uga badan. Waa fiicnaan lahayd inuu C/weli Gas markuu tegayo Kismaayo uu kibirka iyo isla weynida uga tagto Garoowe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip