Maqaal: LAMU PROJECT IYO DIB U DHACA DALKA SOOMALIYEED: (Regional power)

0
Friday June 22, 2018 - 00:12:33 in Wararka by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: LAMU PROJECT IYO DIB U DHACA DALKA SOOMALIYEED: (Regional power)

    DIB U XASUUSIN: Waxaan article-kaan aan qoray November, 18, 2017.Å "Kenya, Ethiopia, South Sudan, Waxay ku heshiineen inay maalgashadaan xarunta dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa, lagac gaareeysa $25bn joint project to build port, ref

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DIB U XASUUSIN: Waxaan article-kaan aan qoray November, 18, 2017.Å "Kenya, Ethiopia, South Sudan, Waxay ku heshiineen inay maalgashadaan xarunta dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa, lagac gaareeysa $25bn joint project to build port, refinery and railway".Waxaa hubaal ah in Saliidaas inta ugu badan iyo dhulka ay soo mari doontaba ay leedahay dalka Soomaliya, nasiib daradda haaysta umadda Soomaliyeed waxay tahay inaysan lahayn aragti dheer oo ay-ku ilaalsadaan hantidda ma guurtadda ah ee Ilaah siiyay, tasoo u sabab u ah QABIIL iyo kala daadsanaanta bulshadda.

Waxaa kaloo loo baahan yahay in lala yimaado siyaasad dib loogu eego xiriirka Soomaaliya iyo dowladaha deriska, tasoo abuuri karta siyaasad deganaasho u hor seeda gobolka Geeska Africa oo dhan, si dalka Soomaaliya uu qayb ama hormuud uga noqdo tar-tanka dhaqaale ee lagu kala hor maraayo Africa. Awooda dalkasta waxay ku xiran tahay awoodiisa dhaqaale, mar hadaad faqri tahay waxaa hubaal ah in lagu xukumaayo aadan siyaasadda dalkaaga u madax banaanaanin.

Walaalayaal, waxaa hubaal ah hadeeysan Soomalidda heshiin, is cafin cadaalad ku dhaqmin inay lumin doonaan qayraadkaan dabiiciga ah ee Ilaah ugu deeqay, si sahal ahna looga faa’ieysan doono. Taa awgeed waa inaan markasta taageernaa nidaamka dowliga ah si loo helo qaran Soomaliyeed oo leh awood uu ku ilaalsado danaha dalkiisa iyo dadkiisaba. "NIN KUU DIGAY KUMA DILIN” Hadaad dooneeysid inaad nolol u hesho ilmahaaga iyo ilmahoooda ka har qabiil iyo siyaasi daneeyste ah oo aan lahayn aragti dheer oo lagu difaaci karo sharafka dadkaaga iyo dalkaaga, Maanta aduunka wuxuu marayaa kobcinta dhaqaalaha, anagana waxaan ku dhex nool nahay qarax. Waxaas aqli ma aha, waa maskaxdii xumayd ee dalka lagu but-burshay.

IMISUU JAAHIL DALKAAN IYO DADKIISA U XAYIRNAAN KARAAN?

Sheiknur Abucar Qassim




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip