Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay hawlgal ku dishay Saddex Shabaab ah

0
Thursday June 21, 2018 - 22:51:37 in Wararka by
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay hawlgal ku dishay Saddex Shabaab ah

    Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay hawlgalka raggan lagu dilay in sidoo kale ay ciidamada ku soo furteen hub ay lahaayeen dagaalamayaasha Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu sheegay hawlgalka raggan lagu dilay in sidoo kale ay ciidamada ku soo furteen hub ay lahaayeen dagaalamayaasha Shabaab.

"Ciidamnada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Kanaana oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab, halkaasi waxaan ku dilnay Saddex Shabaab ah oo watay Mooto, hubkii ay wateena waan ka soo qaadnay, dadka shacabka ah ayay u geysanayeen dhac, xogtooda horey ayaa loo hayay, ciidamada way ku guuleysteen hawlgalkan.” Ayuu yiri Guddoomiye (Shigshigow).

Wuxuu kaloo sheegay Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) Shababaka la dilay in ay dhibaato iyo dhac u geysanayeen shacabka ku sugan degmada iyo deegaanada hoosyimaada.

Dhinaca kale ehelada raggaasi la dilay ayaa waxa ay sheegeen dadka la dilay in aysan aheyn Shabaab oo waligood aysan ka mid noqon, balse ka mid ahaayeen dadka degaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip