Madaxweynaha Hirshabelle iyo Ku Xigeenkiisa oo booqday degmada Warsheekh

0
Thursday June 21, 2018 - 22:37:44 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabelle iyo Ku Xigeenkiisa oo booqday degmada Warsheekh

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa booqday degmada Warsheekh, iyagoo u kuur galayay xaaladda amni, mida bulsho ee degmada iyo sida ay u soc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa booqday degmada Warsheekh, iyagoo u kuur galayay xaaladda amni, mida bulsho ee degmada iyo sida ay u socdaan mashaariic laga hirgalinayo.

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xarunta degmada Warsheekh halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasi oo uu horkacayay gudoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka).

Booqashada wafdiga oo salka ku haysay ukuur-galidda mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Warsheekh. Sida: mashruuca Korontada ku shaqeysa Cadceedda Solar System oo Degmada Koronto siinaya mashruucaasi Oo ah midkii Ugu horeeyay Oo Dalka Laga hirgaliyay, kaasi oo heer gebogabo ah maraya, waxaana suura galiyay Fulinta mashruucaasi Hey’adda SSF iyo mashruuc kale Oo ah Qodiska Ceelka Riiga oo hada ay howshiisa socoto.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh Mudane Axmed Shiidka ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha iyo wafdigiisa mashaariichada kala duwan ee ka socda degmada Warsheekh isagoo ka hadlay heerarki iyo marxaladihi kala duwanaa ay soo mareen mashariicdaas.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa booqday xarunta ay ka socotay shaqada Korontada ku shaqeysa Cadceeda ee Solar System, waxaana Madaxweynaha howl wadeenada ka shaqeynayay xaruntaasi oo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali ka dhageystay halka ay howsho marayso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada isagoo bogaadiyay shacabka Warsheekh sida ay u muujiyeen isku duubniada iyo wadajirka ay ugu dadaalayaan sidi ay u horumarin lahaayeen degmadooda.

Wafdiga ayaa sidoo kale dalxiis iyo booqasho ku tagay Xeebta degmada Warsheekh taas oo maalmahaan ay aad ugu soo dalxiis tagayeen dad aad u fara badan kuwaasi oo ka kala imaanayay qaar ka mida gobolada dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Iyo Mas’uuliyiinta kale ee la socota ayaa kormeeray Isbitaalka Degmada iyo madaxweynaha uu ka dhageystay warbixin maamulka Isbitaalka, waxaana uu sheegay Mudane Waare in baahiyaha isbitaalka uu qabo sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa oo booqday Warsheekh





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip