Maxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen maanta Guddigga joogtada ee Baarlamaanka Federalka

0
Thursday June 21, 2018 - 21:36:03 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen maanta Guddigga joogtada ee Baarlamaanka Federalka

    Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka iyadoo warbixino looga dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Baarlamaanka iyadoo warbixino looga dhageystay guddiga joogtada ah ee golaha.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in wadadaasi dhibaatooyin kufsi ah loogu geystay inkabadan toban gabdho oo ka mid ahaa dad rakaab ah oo ku safrayay wadadaasi.Kulankan ayaa intii uu socday waxaa loogaga hadlay dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa iyo dhibaatooyinka ka jira wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo taasoo ay kala kulmaan dadka shacabka ah ee wadadaasi ku safra.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan, ayaa sidoo kale kormeeray dayacir lagu sameynayo xarunta golaha shacabka oo hadda heer gabagabo ah maraya.



Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip