Ciidanka ammaanka oo toogasho ka geystay Baydhabo

0
Thursday June 21, 2018 - 19:42:50 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka ammaanka oo toogasho ka geystay Baydhabo

    Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafadda Silliga ee magaaladaasi ku toogteen nin ay wada murmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafadda Silliga ee magaaladaasi ku toogteen nin ay wada murmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ammaanka qaabilsan.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidan hubeysan gurigiisa ugu tageen nin ay ka shakiyeen, kadibna ay ku amreen inuu u raaco saldhigga Booliska, balse ninkaasi ayaa ka biyo diiday oo amar adeeg sameeyay.

Cidankii ayaa intaasi kadib wacday gawaari ciidan oo isku dayay in ay xoog ku soo kaxeeyaan ninkan oo garab ka caawimaad ah ka helay qoyskiisa iyo dadka deriska ah.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in halkaasi uu labadan dhinac ku dhexmaray muran gacan ka hadal ah, waxaana intaasi kadib ciidanka oo adeegsanaya awood Millatari ay fureen rasaas, taasi oo sababtay in halkaasi uu ku geeriyoodo ninkaasi, sidoo kalena ay dhaawacmaan hooyada dhashay ninkaasi iyo qof ka mid ah dadka deriska.

"Walaalow halmar ayaa xaafada waxaa yimid ciidan, waxayna galeen guri deriskeena ah, waxaa joogay guriga nin oo ay ku amreen inuu raaco, si ay baaritaan ugu soo sameeyaan, maadaama ay ka shakiyeen, wuuna diiday, reerkiisa iyo deriska ayaa ciidanka la dagaalamay oo gacan ka hadal bilaabay, ciidamada iyaguna waxay fureen rasaas, halkaasi waxaa ku dhintay ninka ay ciidamada doonayeen, sidoo kale waxaa dhaawacmay Hooyada guriga iyo qof kale oo deriska ah.” Ayuu yiri qof u waramay Idaacadda Risaala oo dadka degaanka ka mid ah.

Ciidamada ayaa goor dambe oo xalay ah ka soo tagay gurigaasi, dhacdadan ayaa waxaa si aad ah u hadal haya dadka deegaanka, oo la yaaban sida ay wax u dhaceen.

Maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiil ciidan ayaa ku baxay falkan waxayna baaritaan ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen, xiriir aan la sameynay waxay inoo sheegeen in ay dib ka bixin doonaan faah faahinta la xiriirta dhacdadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip